opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Manuel Pellegrini:uma baahnin Wilfried Bony & Yaxya Toure marka uu dhamaado AFCON 2015

Share

Manuel Pellegrini ayaa sheegay in xidigaha kaga maqan AFCON ee Yaxye Toure iyo Wilfried Bony aysan u dheeli doonin kooxda Manchester City kulanka ay Arbacada la yeelan doonto Stoke City.

labada cayaaryahan ayaa isku-diyaarinaya kulanka kama dambeysta Finalka ee Africa Cup of Nations oo ay la yeelan doonaan xulka Ghana laakiin taageerayaasha City ayaa sugi doona iney arkaan todobaadka ugu danbeeya ee bishan Febuary oo ay soo laaban doonaan.

‘Ma dooneyno inaan labadeena cayaaryahan ku qasabno iney si dhaqsiya usoo laabtaan,waayo macquul maaha ineey kaqeybgalaan kulanka habeenka arbacada ee (Stoke)”sidaasi waxaa yiri Pellegrini.

‘Kulankaasi kadib waxaanu heleynaa 10 maalmood oo aynaan lahayn wax ciyaaro ah,marka waxay heystaan waqti wanaagsan oo ay dib ugu soo laaban karaan kooxda.’ ayuu raaciyey.

Xidigaha xulka Ivory Coast ayaa la filayaa ineey ka qeybgalaan kulanka City gurigeeda kusoo dhoweyn doonto Newcastle bishan February 21,keeda waxayna noqon doontaa kulankii ugu horeeyay ee uu Bony garoonka usoo galo kooxda heeysata horyaalnimada Premier League.

Pellegrini ayaan wax cabsi ah ka muujini amaanka xidigahiisa Toure iyo Bony, waloow ay rabshado iyo fowdo hareeyeen kulankii Ghana ee semi-finalka la dheeshay Equatorial Guinea habeenkii khamiista.

‘Maaheyn wax wanaagsan qaabkii uu ku dhamaaday kulankaasi,laakiin ma filayo in dhibaato kale ay dhacayso Finalka,’ ayuu yiri Pellegrini.

‘Waxaa naga dhexeeya xiriir caadi ah,oo Telfoon ayaan kula hadlay labadooduba,ma filayo ineey wax dhibaato ah qabaan. waxa ugu muhiimsana waa iney kusoo guuleestaan Koobkaasi”ayuu raaciyey

dhinaca kale, Pellegrini ayaa sheegay in Stevan Jovetic uu weli yahay cayaaryahan muhiim u ah City, inkasta uu Bony ku bedelay booskiisa kooxda dheeli doonta kulanka soo socda ee Champions League.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook