opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Mareykanka oo 24 sano kadib Safiir Cusub usoo magacaway Soomaaliya+Taariiqda Safiirka Cusub

Share

Dalka Maraykanka ayaa safiirkiisii ugu horeeyey ee muddo 24 sano ka dib u soo magacaabay Dalka Soomaaliya sida lagu cadeeyey warka soo baxay Afhayeenka wasaarada Arrimahada Dibada Jen Psaki.

Warka ayaa lagu cadeeyey in madaxweynaha Maraykanka Obama u gartay in uu safiirka Soomaaliya u magacaabo Katherine Dhanani oo ah haweenay in badan ka soo shaqaysay dalal badan oo Africa ku yaala.

Afhayeenka wasaarada Arrimaha Dibada ayaa sheegtay in magacaabidan ay tahay mid taariikhi ah oo muujinaysa in dalka Soomaaliya uu ka baxay dagaalo iyo colaado in badan jiran, wuxuuna sheegay in ay qirayaan in hormar ka jiro Soomaaliya.

“Magcaabistan taariikhiga ahi waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Somalia iyo Maraykanka, waxayna noo ogolaanaysaa inaanu ka marag kacno horumarka ay samaynayaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxaya sannado badan oo ay halkaasi ka jireen colaado” Ayey tiri Jen Psaki.

Jen Psaki waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay fulinta shaqooyin badan oo horyaala si ay u gaarto Soomaaliya dal u dhamaystiran dhinacyada dowlada, Wuxuuna sheegay in ay sii xoojinayaan taageerada ay siiyaan.

“Soomaaliya waxaa hortaalla shaqo badan oo ay tahay inay dhamaystirto si ay uga baxdo xaaladda kala guurka isla markaana ugu hayaanto qaran ku naaloonaya barwaaqo, nabad iyo dimoqraadiyad, Dalka Maraykanka waxaa ka go’an inuu ku taageero isla markaana ku garab galo Soomaaliya safarkoodaas sida saaxiibo isu samra oo kale” ayey tiri Spaki.
Hadaba Waa Tuma Katherine Simonds Dhanani:

Katherine Simonds Dhanani, waxaa ay qeyb ka tahay shaqaalaha Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka, Kooxda la taliyaasha, xiligan waxaa ay agaasime ka tahay Xafiiska Arimaha nabadgalyada ee wasaaradda arimaha dibadda qeybteeda Afrika, xilkaas oo ay heysay laga soo bilaabo 2013-ka.

2010-2013: Dhanani waxaa ay lataliye guud ka noqotay Qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Hydrabat ee dalka Hindiya.

2007-2010: Dhanani waxaay ay safaaradda Mareykanka ee Harare, Zimbabwe ka ahayd ku xigeenka Madaxa Howl-galada.

2005-2007: Katherine Simonds waxaa ay noqotay kuxigeenka Madaxa Howl-galada. Safaaradda ay Mareykanka ku leeyihiin Libreville, Gabon .

2002-2005: Dhanani waxaa ay madax ka aheyd waaxda Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Lusaka, Zambia

1999-2002: Katherine Simonds waxaay ay Madax ka aheyd qeybta dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Kinshasa, dalka Democratic Republic of the Congo.

1998-1999: Katherine ayaa waxaa ay madax ka aheyd xafiiska dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Mexico City, Mexico.

1996-1998: Waxaa ay ka shaqeyn jirtay waaxda arimaha dibadda qeybteeda arimaha Mexico.

Muddo sii horeysay waxaa ay kaaliye ka noqotay xafiiska Amuuraha Qaaradda Ameerika Ka Dhaxeeya ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Katherine Simonds waxaa ay sidoo kale kasoo shaqeysay Qunsuliyadda Mareykanka ee Brazzaville, Republic of the Congo iyo xafiiska dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Georgetown, Guyana.

Shaqooyinka ay soo qabatay waxaa ka mid ah caawiye ay ka noqtay magaalada Sacramento ee California iyadoo sidoo kale Bare ka noqotay Grinnell College ee gobolka Iowa (ayowa) ee dalka Maraykanka .

Katherine Simonds Dhanani waxaa ay Jaamacadda heerka koobaad B.A ku qaadatay Jaamacadda Kenyon College halka ay Jaamacadda heerka labaad M.A ka diyaarisay Massachusetts Institute of Technology.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook