Marxuum Maxuyadiin Cali Ciise Muxiyadiin Gaab oo Maanta la’Arkay

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa noo Xaqiijiyay in Meydka Nabadoon Maxuyadiin Cali Ciise Muxiyadiin Gaab oo kamid ahaa Nabadoonada Dagmada lagu Arkay Xaafada Xaawo Taako.

Nabadoonka ayaa la sheegay in Rasaas badan lagu Dhuftay islamarkaana ay Rasaastu ka haleeshay Qeybta sare ee Jirkiisa.

Dadka Degmada ayaa Saaka ku soo toosay Cabsi iyo Walwal kadib markii ay ku baraarugeen Meydka Nabadoon Muxuyadiin.

Ciidamada Booliska Degmada ayaa qaaday Meydka,iyagoona sheegay in ay Baaritaano ku sameenayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Nabadoonka loo dilay Aano Qabiil sida laga soo xigtay Dad ku dhow dhow Nabadoonka.

Hasse ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo Afgooye lagu Qaarajiyo Nabadoonada ama dad wax gal u ah bulshada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook