Meydka Gabar dhalinyaro ah oo saakay laga helay Xeebta Liido ee Muqdisho+Sawiro

Waxaa Barqanimadii maanta Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho laga helay Meydka Gabar dhalinyaro ah oon wali si dhab ah loo geyn sababta ka dambeysa Geerideeda, waxaana Meydka hada la dhigay Isbitaal kuyaala Degmada Xamar Weyne.

Gabadha Meydkeeda laga helay xeebta Liido ayaan la ogeyn inay ku dhimatay biyaha iyo in siyaabo kale ay dilkeeda ku timid, waxaana meydka gabadhaasi aan wali laheyn cid aqoonsata iyadoona sawiradeeda saxaafada loo soo bandhigay si loo aqoonsado.

Maamulka Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritanao la xariira sababta ka dambeysa Geerida gabadhan oon wali kala cadeyn sida ay u dhimatay, mana jiro ilaa hada cid aqoonsatay .

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in biyaha Badda ee Xeebta Liido ay maanta aheed mid kacsan lagana yaabo in gabadhaasi ay biyaha ku hafatay sidaasna ay u geeriyootay inkastoo aan wali si rasmi ah loo cadeyn.

ga1

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook