Muqdisho Qarax Lala beegsaday Goob Cibaado Oo Dad ay Ku nafwaayeen

 

Dad Gaaraya Dhowr iyo toban Ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin

ayaa ku dhintay qarax ka dhashay gaari lagu soo xiray walxo qarxa oo lala Beegsaday

masjid ku dhex yaalla Hotel Central oo u dhow Tiyaatarka Qaranka Ee

Caasimadda Muqdisho.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ay ku jireen

Dadka ku waxyeeloobay guddoomiye ku-xigeenkii maamulka gobolka Banaadir,

Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel)

Sidoo kale waxaa wararku intaas ku darayaan  inay qaraxa ku dhaawacmeen

dad ka badan 13 qof oo ay ku jiraan Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada,

Cali Axmed Jaamac (Jangali) iyo xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar

oo horay u noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii kumeel-gaarka ahayd.

Dadka dhaawaca ah waxaa la geeyay xarumaha caafimaadka Muqdisho.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta gaaray walina lama xaqiijin cidda Ka danbeysa Qaraxaan

canageel1

 

 

 

 

Warbaahinta Wardoon 

Axmed Taakilo

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook