Nabadoon Reer Hiiraan ah oo Magdhaw Kadalbaday Madaxweynaha Jabuuti +Cod

Nabadoon hilowle macalin yacquub oo kamid ah wax garadka soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay Mid Kamid Ah warbaahinada magaalada muqdisho ayaa waxaa uu magdhow waydiistay madaxweynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele oo hada booqasho ku jooga muqdisho.

Nabadoonka ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada wadanka jabuuti ay ka laayeen dad ay ehelo yihiin sidaas daraadeedna uu magdhow ka doonayo masuuliyiinta dalka jabuuti.

Hilowle macalin yacquub ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada jabuuti ay yihiin kuwo lasafan cabdi fataax xasab afrax.


Waxaa arintaas kajawaabay nabadoon cabdi salaad yuusuf oo ka soo jeeda gobolka hiiraan oo si aad ah ugu carooday warka nabadoon hilowle macalin yacquub.

waxaana nabadoon cabdi salaad uu sheegay in madaxweynaha dalka jabuuti uu yahaya halyey soomalaiyeed waxana badoonka uu sheegayana ay been yihiin.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook