Nabadoon Xaaji Cumar Muxumad Nuur (Xaaji Buurow)oo saakay lagu dilay Baladweyne+Cod

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay xaafada Howl-Wadaag lagu dilay mid kamid ah Ganacsatada ugu caansan Magaaladaasi .

Kooxo bistoolado ku hubeesan ayaa afaafka hore ee gurigiisa waxa ay ku dileen ganacsade Xaaji Cumar Muxumad Nuur (Xaaji Quuraw), waxaana ganacsadaha lala dilay nin kale oo la sheegay in uu ilaalo u ahaa.

Kooxihii Dilka geestay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halka uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo sameeyay baaritaano aan wali natiijadooda la shaacin.

Ganacsade Xaaji Cumar Muxumad Nuur ayaa caan ka ahaa Magaalada Baladweyn, waxa uuna dilkiisa wal wal ku abuuray shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyn oo ka dalbaday Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM in ay soo qabteen kooxihii dilka ka dambeeyay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook