Nin Soomaali ah oo Maqaayad kutaala Cape Town Kudilay Sadax Nin oo Soomaali ah +Cod+Sawiro

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalka Koonfur Afrika waxa uu ku dilay Seddax ruux oo Soomaali ahayd ka dib rasaas uu ku furay goob ay ku sugnaayeen.

Ninkaan toogashada geystay ayaa watay Bistoolad, waxaana la sheegay in uu tagay goob laga cunteeyo oo ku taalla deegaanka lagu magacaabo Mitchell Plain ee magaalada Cape Town.

Rasaas uu ku furay dadkii halkaasi ku sugnaa ayaa waxaa ku dhintay Seddax qof, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay muwaadin u dhashay wadanka Koonfur Afrika.

Magacyada Seddaxda qof ee dhimatay ayaa lagu kala sheegay Cabdi Madoobe, Cabdiwahaab Nus-liiro iyo Maxamed Xasan Maxamed, waxaana ay ahaayeen dad aad looga yaqaanay halka lagu dilay.

Ciidamada Booliiska magaaladaasi oo goobta deg deg ku tagay ayaa waxay gacanta ku dhigeen shaqsigii dilkaasi ka dambeeyay, waxaana ay wadaan baaritaan ku aadan sababta tani ku kaliftay.

Dhinaca kale Soomaalida ku sugan deegaanka lagu magacaabo Mitchell Plain ee dilkaan uu ka dhacay ayaa sheegay in shaqsiga wax dilay isaguna uu ka mid ahaa dadka ugu caansan halkaasi, islamarkaana aan la ogeyn wax ku kalifay in uu dilo muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee Seddaxda qof ah.

Dhacdadaan ayaa ah midfii ugu horeysay ee ka dhacda dalka Koonfur Afrika, xilli Soomaalida ay ahaayeen kuwo aad uga feejigan dhibaatooyinka ay kala kulmaan Madowga dalkaasi u dhashay, balse ay hadda lama filaan noqotay in muwaadin kale uu falkaasi geysto.

 

cep cep1 cep3 cep4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook