Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo siyaasiin maanta kulan Ku yeehsay Gaalkacyo

Odayaasha dhaqanka Galmudug iyo qaa ka mid ah siyaasiinta Reer Galmudug ayaa kulankooda waxa ay ku lafagurayeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen shirka maamul usameynta Gobolada Dhexe ee dhowaan ka furmaya magaalada Cadaado.

waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga wada arrinsanaayey ayaa waxa ay aheyd sidii loo soo xuli lahaa ergadii shirkaas uga qeybqaadanlahayd Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid saxaadafdu ay dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo gaban-gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Abshir Diini Cawaale waxaana uu sheegay in shirkaas looga arrisanaayey sidii Ergo mideysan loogu dirilahaa shirka Gobolada Dhexe .

Sidoo kale afhayeenka Golaha Dhaqanka Galmudug ayaa isna faafaahin waxa uu ka bixiyey qodobadii kasoo baxay kulankaas isagoo sheegay in la isku afgartay dhamaan qodobadii shirka looga hadlay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo siyaasiin maanta kulan Ku yeehsay Gaalkacyo”

  1. maxamed says:

    sida imuqanaysa waxa hoos udhacday hamigii besha konfurta mudug,ku hogamin layad mamul gobaledka dhexe,sida laga warqabokonfurta mudug aya waxay sameysten magac maran oo lo bixiyey Galmudug,waxa siwen uga xumaday bulshoyinka deganadas ku abtirsada,oo ayaguna sameystay,Ximan iyo xeeb,Ehelu suna wal jamaca,waxay tasi ku tuseysa hawadii marayd ee Galmudug in aay mesha kabaxday hadana arintu tahay in wax kasta siro laga so bilobo,oo arintu noqoto hada iyo 1aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook