Puntland oo madaxda guryaha loogu galayo +Weerar culus oo xalay dhacay

Gudoomiyaha gobolka Barri Cabdisamad Maxamad Galan ayaa xalay fiidkii waxaa gurigiisa weerartey dabley hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.
Dableydaan oo ku hubeysneyd qoryaha darandooriga u dhaca iyo bumbooyinka gacanta ayaa gurriga weerar gaadmo ah ku soo qaadey abaare 9:00pm fiidnimo ee xalay. Weerarkaan ayaa ku bilowdey Labo qarax kadibna waxaa rasaas is-weydaarsadey muddo nusaac ah socotey ilaallada gurriga iyo kooxdaaan dableyda aheyd.
Inta la ogyahay weerarkaan waxaa ku geeriyoodey hal askari oo ka tirsan ilaalada gudoomiyaha halka dhaawac culus kasoo gaarey mid kale kasoo lagu daweynayo waqtigaan isbitaalka guud ee Bosaso.
Weerarada noocaan ah oo asbuucyadii lasoo dhaafey ka dhacayey magaalada Boosaaso ayaa waxaa mas’uuliyadiisa horey u sheegtey ururka Al-shabaab kaasoo dagaal yahanadiisu ku dhuumaleystaan buuraleyda Golis.
Bisha Feb 7,2015 ayaa waxaa weerar kaas lamid ah lagu qaadey bar kontrool oo ilaalada taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska u taaley afaafka hore ee Hotel Panorama ee magaalada Bosaso.
Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland oo weerarkaan kaga dhinteen Labo askari oo ciidamadiisa kamid ah ayaa wararka kasoo baxaya madaxtooyada Garowe sheegayaan in xilka laga qaadey xilli ku howlanaa howlo la sugayo amniga magaalada Bosaso.
Xil ka qaadista taliye ku-xigeenka Booliska iyo taliyaha ciidamada nabasugida Puntland ayaa abuurtey khilaaf xoogan oo u dhexeeya qaar ka tirsan saraakiisha iyo madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.
Amniga magaalooyin waaweyn ee Puntland ayaa kasoo daraya tan iyo intii talada Puntland la wareegey Cabdi Weli Gaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook