Puntland Oo Markii Ugu Horeysay Kaqeylsay Qaraxyada Muqdisho Kana Tacsiyaysay +Cod

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda DF Soomaaliya uga tacsiyeeyey masuuliyiinti iyo shacabkii ku geeriyooday weerarkii Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ay ku qaadeen maanta mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

”Intii dhimatay Allaha unaxariisto, maalin fiican oo kheyr ayey dhinteen, waxaan rajeynayaa Ilaahna uga baryayaa inta dhaawaca ah caafimaad deg deg ah in ilaahay siiyo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay falkaasi in uu ahaa mid argagaxisnimo islamarkaana cadaynayana dabeecada runta ah ee ay leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

” Maalin jimce ah dad islaam ah oo soo tukaday oo weliba masaajid ka soo baxay inay laayaan waxay ka turjumaysaa oo calaamad dhab ah u tahay sida ay uga fog yihiin islaanimada , sida ay uga fog yihiin diinteena ” Ayuu yiri Gaas.

” Inay caadaystaan oo ay xalaalaystaan dhiiga dad islaam ahi, waxay muujinaysaa dhaqankooda foosha xun, waxay muujinaysaa inaysa dad islaam ah ahayn waxay sidookale muujinaysaa inay banaan tahay in lagu jihaado meel kasta oo ay joogaana lagula dagaalamo laguna laayo sabatoo ah ajande Soomaaliyeed malahan, mid islaam ahna malahan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa isna dhankiisa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan ladagaalanka kooxdaasi argagixisada ah ee banaystay dhiiga dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

” Naxariisti jano allaha ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana Alle haka siiyo dhammaan eheladii iyo asxaabti ay ka tageen masuuliyiinti iyo shacabkii ku geeryooday weerarkaasi ”Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Waxaa Xusid Mudan In Qaraxan Ay Kudhinteen Mas uuliyiin Kasoojeeday Puntland Sida-
1- Xil. Maxamed Ducaale Muuse(Xaaji Kafey) oo horey u badalay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu dilay.
2- C/shakuur Mirre Aadan

3- Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Yaasiin Suldaan Cali Keenadiid

 

 

Mar xuumiin

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook