Real Madrid oo dooneysa in ay dib usoo celiso Alvaro Morata

Wararka laga helayo Magaalada madrid ayaa sheegaya in Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ay doonayso in ay dib usoo ceshato Xidigeedii hore ee Alvaro Morata kaas oo xiligaan un ay ka iibiyeen Kooxda hogaamineysa Horyaalka Talyaaniga ee Juventus.

Macalinka dalka Talyaaniga ee carlo Ancelotti ayaa kala hadlay maamulka kooxdiisa in Wiilkaan uu sameynayo Horumar balaaran isla markaana uu aad u anfacayo qaab cayaareedkiisa sidaa daraadeed in dib looga soo celiyo Juventus ayuu Codsaday.

Labada kooxood Juventus iyo Real Madrid ayaa heshiis ku ah in hadii Real Madrid ay u baahato Xidigaan Sanad walba ay bixiyaan lacag dheeri ah Waxaana hada Madrid ay kuheli kartaa Wiilkaan hadii ay bixiso £25m lacagtaan ayaa waxaa Saaid ku ah 2 Milayan oo ah inta uu hada uu hada Juventus lajoogo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook