R/Wasaaraha Somalia oo Magacaabay Wasiiru-Dowle Cusub kuna qanciyay Beesha Shiikhaal

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa loogu Magacaabay Cabdi Raxmaan Kulmiye Xirsi(Cabdiraxmaan Dheere) in uu noqdo Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’izul Wasaaraha .

Mudane Cabdi Raxmaan Kulmiye Xirsi oo horey loogu magacaabay Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ayaa xilkaasi iska casilay kadib markii ay beeshiisa ku qasabtay in uusan xilkaasi qaadan uuna si deg deg ah isaga casilo.

Beesha Sheekhaal Xildhibaanadooda, Siyaasiyiintooda iyo waxgarad ku kulmay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in ay Kalsoonida kala noqdeen Dowlada Federaalka Soomaaliya kadib markii lagu xadgudbay sida ay sheegeen awood qeybsiga beelaha lana duudsiiyay beeshooda xaqii ay Dowlada ku laheed.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook