opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Saraakiil katirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Galabta Muqdisho lagu dilay+ Magacyadooda

Share

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar galabta lagu dilay Saraakiil katirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, weerarka ayaa ka dhacay Isgooska KM-4 gaar ahaan kasoo horjeedka Hoteelka Naasa Hablood.

Kooxo hubeesan oo watay Gaari nuuca raaxada ayaa rasaas xoogan ku furay gaari kale ay lasocdeen Saraakiil katirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Rasaastaasi ku dhintay afar qof oo sadax kamid ah ay ahaayeen Saraakiil katirsan Maamulka Garoonka Aadan Cadde.

Goob jooge ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay ayaa noo sheegay in raga hubeesan ay rasaas xoogan ku fureen gaariga ay la socdeen shaqaalaha katirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kadibna ay goobta ka baxsadeen ragii weerarka fuliyay.

Saraakiisha lagu dilay Weerarka galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa magacyadooda iyo xilalkooda noolagu sheegay.

1-Maxamed Kadiye Jimcaale Maareeye kuxigeenka Duulista Hawada
2-Maxamed Axmed Haaruun Maareeyaha Hagida Hawada
3-Abuukar Cadaani Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya
4-Xuseen Hilowle Cadaan oo isna ahaa Darawalka saraakiishan katirsanaa Garoonka Aadan Cadde.

Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka oo daqiiqado kadib soo gaaray halka uu weerarku ka dhacay ayaa daqiiqado kooban xiray laamiga KM-4, waxa ayna goobta ka qaadeen meydadka saraakiisha katirsan Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Isgooska KM-4 ee galabta weerarku ka dhacay ayaa kamid ah goobaha ugu amaanka fiican Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi kusugan ciidamo katirsan Dowlada, waxaana daqiiqad kasta halkaasi mara gaadid ciidan iyo kuwa ay lasocdaan masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya, inkastoo xusid mudan tahay in ay si fudud ku baxsadeen ragii Weerarka fuliyay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook