Shariif Xasan oo Wado Qorshe halis ah iyo….

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wada qorshe halis ah, taasi oo ku aadan in meesha laga saaro gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Shariif Xasan ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan uu aad u daneynayo meesha in laga saaro Gudoomiye Jawaari oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhacsan yihiin.

Waxa uu abaabulay xildhibaano badan oo mooshin ka gudbiya Jawaari si xilka looga qaado, iyadoona taasi hor dhaceeda hadda la arkayo.

Xildhibaano ka mid ah barlamaanka ayaa aad ugu faraxsan in meesha uu ka baxo Jawaari, islamarkaana gudoomiye kale la doorto.
Xilkaan ayaa loo wadaa Madoobe Nuunoow Maxamed oo mar sheegtay in uu yahay hogaamiyaha maamulkii Lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa u balan qaaday in hadii uu isaga u tanaasulo in laga dhigi doono gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, taasina ay keentay in uu aqbalo.

Hadaba sida hadda mooshinka loo wado hadii uu ku meel maro waxaa loo badinayaa in gudoomiyaha Baarlamaanka uu noqdo Madoobe Nuunoow.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook