opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Sida Loo Dugaagoobay Iyo Dhacdooyinkii Foosha Xumaa Ee Mooryaantu Geysatay (Sheekooyin Gaagaaban)

Share

A.W.W. Intii guumeysigu jiray, intii aan dawladaha lahayn iyo intii ay dawladdii dhexe duntay ee uu hubku gacanta shicibka galeyba waxaa soomaaliya meelo badan oo kala duwan ka dhacayey xasuuq, dilal iyo boob mid kasta uu kan kale ka darnaa, badankoodana waxay dadku ku sheegaan dagaallo, hase yeeshee waxay ahaayeen kuwo gaadmo ku saleysan oo hadba reerki ama shaqsigii markaas dagan asagoo war-moog ah lala beegsanayey, sidaasna ay dhimashada iyo dhaawacu ku badaneyeen dadka kuwooda maatida ah ee aan ciidan noqon karin ee dushooda la isku dagaalayey.

Aniga oo ka mid ahaa dadkii iskood aan qax ahayn kaga soo dhoofay soomaaliya 18-4-1990-kii, kana murugooday wararka dalkii hooyo ka imaanayey ayaan dadkii intii ay dagaallada sokeeye jireen dalki iiga sii danbeeyey ee qurbaha iiga daba yimid gobolkay doonaan ha ka soo jeedaane markii aan arko ayagoo dalki ka sheekaynaya waxaan waydiin jirey hal su’aal oo ahayd; Xad-gudubyada aad aragtay ama maqashay tee baa kuula yaab badneyd?, wuxuuna qof walboo ka mid ahaa ii sheegi jirey dhacdadii ka yaabisay, taasoo aniga laftaydana iga yaabinaysay, sidaas darteed ayaan akhristoow jeclaystay inaan kuu soo bandhigo qaar dhacdooyinkaas ka mid ahaa, si aad ugu cibra-qaadato, ugana taxaddirtid inaad dad ku xad-gudubtid, in adiga laguugu xadgudbo iyo inaad dulmiga dhacaya taageertid.

1-Waryaa Nin Nool Xoolihiis Ha ii Keenin Sow Kumaan Oran.?

Dadka danbiilayaasha ah ee xabsiyada dunida ka buuxa in aad uga tira badan oo waxaa jira sharciga, baliiska iyo maxkamadaha ka baqaya, sidaasna looga ammaan helayo. dadka noocaas ah iyo danbiilayaashii xabsiyada ku jiri lahaa oo is biirsada waxay ka awood bataan, joog iyo jiifna u diidaan kuwii dhawrsanaa ee xilkasnimadooda iyo diintoodu ay xakamaynaysay, taasina waxaa daliil cad noogu filan sida ay wax noqdeen markii ay dawladnimadii duntay ee baliis iyo maxkamado laga baqo la waayey.

Dadkii deriska ahaa ee wajiga furan isku muujin jiray waxay qaarkood noqdeen kuwo xad-gudubka caadeysta.

Sidaas darteed laba nin oo xaafad wada degganaa, cilaaqaadkooduna isku fiicnaa ayaa midkood wiilkiisi kii kale gaari ka soo dhacay oo aabbihiis u keenay.

Ninkii gaariga lahaa oo is lehaa haddii wiilku kugu xad-gudbay aabbihiisi hebel ahaa ee aad isku fiicnaydeen ayaa gaarigi kaaga qaadi doona ayaa ninki kale iyo wiilkiisiyoo isla jooga u yimid, dhibkii loo gaystay iyo in wiilkaanu gaari ka soo dhacayna ninkii kale u sheegtay.

Ninkii kale ayaa wiilkiisi gaariga soo dhacay intuu indha kulul ku fiiriyey ku yiri: Waryaa nin nool xoolihiis ha ii keenin soo kuma oran?, taasoo uu ula jeeday: markaad gaariga un iska soo kaxaysaneysay maxaad marka hore asaga leh u dili weyday oo halkaas gaarigi oon laguugu haysan uga soo kaxaysan wayday. halkaas ayuu dhibbanihii ku quustay.

2-Haddii Ayna Jabhadeydu Xoolahaaga Dhacayn, Xaggeen Anigu Xoola Kale Ooga Keenaa?.

Nin ganacsade ahaa ayaa laba gaari oo uu lahaa ay ka dhaceen koox jabhad ku magacawneyd, ka dibna wuxuu u yimid hoggaamiyihii jabhaddaas oo ay horay macriifo isku wanaagsanaa u ahaayeen, una sheegay in ciidankiisu ay dhaceen, kana codsaday in gawaaridi loo soo cesho.

Hoggaamiyihii jabhadda oo jawaab caro lahayd ninkii siinayey ayaa yiri: waryaa haddii jabhaddu ayna xoolahaaga dhacaynin, xaggeen anigu xoola kale ooga keenaa?, taasoo uu ula jeeday mishaarka ay jabhaddu ku shaqeynaysoba ayaa ah dhaca dadka, halkaasna dhibbanahii oo quustay iskaga huleelay.

3-Reer-hebel, Rag Aakhiro Cadaabka u Galo Ayey u Baahan Yihiin.!

Maqaaxi yar oo xaafad ku dhex taallay oo dadka halkaas ku sugnaa ay hal-reer u badnaayeen ama wada ahaayeen ayaa nin ordaya oo xiiqsan soo galay, raggii meesha joogayna canaan iyo guubaabo kala dul-dhacay, yirina dagaal baa xaafad hebla ka socdee ka kaca meesha oo kaalaya dagaalka ka qayb qaata. raggii baa is wada adkeeyey oo mar haddaan xaafaddoodi dagaalku ka jirin yiri: aadi mayno.

Ninkii dagaalka ragga ku guubaabinayey ayaa markaas yiri: (Reerkeenna reer-hebel ah rag aakharo cadaabka u gala ayey u baahan yihiin) ee ma waxaad ka duwan tihiin kuwa kalee reerahooda dartood cadaabka u galaya, una sheegay in reerkii aan rag cadaabka u gala heli karin khariiddadda Soomaaliyeed uu ka tirtirmayo.

Saddex nin oo ka mid ahaa raggii maqaaxida horay ugu sugnaa ayaa qiirooday oo horay ka booday oo ninkii meesha ka raacay, intoodii kalena ayadoo cay lagu daldalayo halkii lagaga tagay.

Qiyaastii saacad ka dib saddexdii nin maydkoodiyoo la wado ayaa la keenay.

Saddexdaas nin ee u bareeray in cadaab loogu yeerayo ay doortaan baa iigu yaab badnaa ayaa sheekeeyihii uu warkiisii ku soo gunaanaday.

4-Wax Aan Ku Iraahdo Ma Aqaannee Ilaahay Caddaalad Ha Noo Keeno.

Laba nin oo xaafad wada degganaa, macriifo-wadaagna ahaa oo midkood uu dadka magaalada ku tirada yar ka mid ahaa, kan kalena uu kuwa ku tira badan ka tirsanaa ayaa jiray.

Kii magaalada ay dadkiisu ku badnaayeen wiil uu dhalay ayaa wuxuu xabbad ku dhuftay oo dilay wiil uu ninka kale dhalay.

Ninkii wiilkiisa la dilay ayaa u yimid kii wiilka wax dilay dhalay oo jar ama shax geed gurigiisa ku hor yaallay niman kaloo ilma adeerradii ahaa kula ciyaarayey, una sheegay in wiilkiisi la dilay, uuna dilay wiil uu asagaas jarta ciyaarayey dhalay.

Ninkii warkii dhiillada xambaarsanaa loo sheegay iyo raggii ilma adeerradiis ahaayee la joogay ee maqlayeyba hadalkii dhibbanaha ma cuslaynin ee si mas’uuliyad-darro ahayd ayey ayagoon u jawaabin jartoodii isaga sii ciyaareen.

Ninkii baa yiri: war hebeloow maxaad ii dhagaysaneysaa oo aad iigu jawaabi la’dahay?.

Ninkii gacan-ku-dhiiglaha dhalay oo ilkacaddeys jeesjees ku jiro la muusooday ayaa ku jawaabay: (Waryaa waxaan ku iraahdo ma aqaannee ilaahay caddaalad ha noo keeno) oo uu ula jeeday dawlad dadka kala celisa oo u kala caddaalad fasha ilaahay ha noo keeno, ka dibna jartiisi iska sii watay.

Markii uu dulmanihii madluunka ahaa meeshi ka tagay, isla sidiina uu ninkii gacan ku dhiiglaha dhalay jartii isaga ciyaarayo ayaa xabbad yeertay dhawaaqeedi la maqlay, in yar ka dibna wiil ordayey u yimid, kuna yiri: Adeer hebel xabbaddii mar dhaweyd yeeraysay ma maqleyseen?, haa markuu ku jawaabayna oogu xijiyey: wiilkaagi hebel ahaa bay ku dhacday, wuuna u dhintay, waxaana ku dhuftay hebelkii kalee aad adeerka u ahayd, halkaasna caddaaladdii uu alla weydiistay oo aan soo daahin ay ugu soo dagatay, labadii wiilna ay isku mar qabriyadoodi u kala hooydeen.

5-Ninkii Gaariga Ila Lahaa Anigaa Dilay, Waana Iga Hari Waayey Ee Diyadiisi Iga Bixiya.

Laba nin oo dhallinyaro ahaa ayaa lacag ay isku darsadeen hal gaari ama baabuur oo xammuul ahaa oo ay shirko ku noqonayeen ku wada iibsaday.

Labada nin midkood bay qabiilkiisu magaalada aad ugu yaraayeen, halka kan kale qoladiisu ay magaalada ku badnaayeen.

Markii gaarigi faa’iidadiisi la dhadhamiyey ayna ahayd in si daacadnimo ah loogu wada shaqeysto ayaa midkii ay reerkiisu magaalada ku badnaayeen si qaldan u fikiray, si hoose oo aan la ogeynna saaxiibkiisi u qaarrajiyey, meel duur ahaydna asagoon laga war-haynin ku soo duugay, si uu gaarigi kaligii ugu shaqeysto, dadkiisina ku yiri; qaybtii uu gaariga ku lahaa ayaan u celiyayoo gobolkii fogaa ee ay reerihiisu degayeen ayuu u dhoofay, sidaas ayuuna gaarigi iigu kali noqday oo cid ila leh ma jirto, dadkiisina ayagoo ku farxay ay warkiisi ka rumeysteen, kii aakharo loo direyna uu halkaas hadal-hayskiisi ku haray.

Muddo aan sidaas u badneyn markay ka soo wareegtay ayaa waxaa ninkii saaxiibkiis dilay ku billawday in markii uu gaarigi istaar ama kici is yiraahdaba ninkii uu dilay uu isteersada ama geyrka hortiisa uga muuqdo asagoo ah sidii uu ahaa markii uu sii naf-baxayey, balse ay indhihiisu si toos ahayd asaga u soo eegayaan, ka dibna asagoo sasay oo qaylinaya uu gaariga ka boodayey. maadaama waxaa uu arkayo ayna dadku arkeynin, waxa uu arkayeyna uu dadki ka qarinayey waalli iyo isla hadal baa la mooday, quraan badanna la saaray, waxna looga garan waayey.

Wuxuu go’aansaday in gaarigi uu ninka ku dilay is dhaafiyo oo iska iibsho, magaaladi uu ku dilayna isaga dhoofo, sidaasna uu qurbahii loo yaacayey dhankiisa ka aaday.

Markii uu qurbaha tagay ee uu is lahaa ninkii aad dishay soomaaliyuu kaaga haray oo waad ka soo fogaatay ayuu xaalkiisi kaba sii daray oo waxaa ku billaabmay in ninkii uu dilay, hurdo iyo soo jeedba uu ugu yimaado, asagina inta horay ka boodo uu meeshi uu ku arkay si degdeg ah uga baxsado.

Markii naftu isugu timid ayuu reerkoodi wacay, una sheegay sida ay wax u jiraan, kana codsaday inay mag ama diyo dalki uga dhex qaaraaman oo ay ka bixiyaan, balse reerkiisi oo u carooday ayaa ugu jawaabay; adigoo qurbihii lacagtu taaltaallay jooga soomaaliya dhexdeeda kaaga qaaraami maynee lacag badan oo intaas ah soo dir aan annaguu inta harsan kuugu kabno’e, sidaas asagoo argagax joogta ah ku nool uu qurbihi ku sii nagaaday, dadkii qurbaha la joogayna qof waalan bay ku tiriyaan, maadaama waxaan ayaga u muuqanin uu asagu arkayoo ka carcarayo.

6 – Xabbaddaydii Aan Ku Riday Ayaa Milkiilihi Gaariga Dishay.

Ninkii qisadaan iiga sheekeeyey wuxuu yiri: Anigoo magaalo yar ku noolaa, gaari aan ku shaqaystana lahaa ayaan biro isbeer ahaa ka doontay magaalo weyn oo qalabka gaarigayga laga helayey.

Nin darawallo hore aan isla ahaan jirnay ayaan halkaas ugu tagay si uu helitaanka biraha aan doonayey iiga caawiyo, inta i casuumayna rag saaxiibbadiis ahaa oo markaas laba nin oo is haystay u kala gar naqayey ii geeyey, markii uu is kaanna barayna ay igu yiraahdeen waanba kuu baahannahaye kaalay gartaan taalla wax ka naq.

Labadii nin ee is haystay oo dooddii dacwadooda guda galay ayaa si indha adeyg lahayd waxay ugu doodeen gaari ay isla soo dhaceen, darawalkii waday markay dilayeenna ay rasaasta ku wada fureen in mid kasta ay xabbaddiisu dishay, uuna xaq u leeyahay inuu gaariga la wareego, saaxiibkiisna uu lacag yar u celiyo.

Qof wax dilay oo uu dhulku ku soo yaraaday oo dhuumasho iyo is qarin billaabaan maqli jiraye meeshaas anigaa milkiilihii dilay iyo anigaa dilay in la isugu gar-dhigto ayey mareysay.

Markay labadii ninba hadleen, wixii su’aalo ahaana la waydiiyey ayey raggii gar baan naqaynaa lahaa igu soo jeesteen oo i yiraahdeen wax ka dheh.

Anigoo labada nin lafahayga oogaba cabsanayey ayaan ku iri: Anigu gar waxaan u aqaannaa in dadka is haysta markay hadlaan fadhiga dibadda looga saaro oo raggii garta dhagaystay ay markaas ayagu ka sii doodaan, markay meel isku raacaanna kuwii is haystay loo yeero oo go’aanka farta laga saaree labada nin dibadda nooga saara, markii la saarayna ku iri: nimankaan is haysta haddii aannan qaban karin, ciddii islaameede ay ninka ka dileenna aannan gaarigooda u gacan galin karin, magtoodina meel u saari karin waxbo tari maynee haddii wax la xukumayo labadoodaba in dil lagu xukumay ahayd oo meesha gar la naqo ma taallee ama ku heshiiya ama isku dila, sidaad yeelaysaan waa hawl idinka idiin taallo aan ku dhahno ayaan anigu qabaa, dood dheer ka dibna sidaasaa gacan-ku-dhiigleyaashii loo sheegay. isla markiba ayagoo murmaya ayey naga tageen oo xaggii gaariga ay ku ogaayeen aadeen, rasaas ay isweydaarsanayeenna aan maqalnay, haddii lagu yaacayna ayagoo rasaas mar kaliya isku furay, feeraha ka wada neefsanaya, dhiig badan ka baxayo, naftuna ka sii baxayso oo is ag yaalla ayaa loo tagay, isla markii la soo gareyna ay halkii ku bakhtiyeen.

7- Siddeeddii Mujrim Ee Waxay Dadka Laayaanba Aakhirkii Ayagii Islaayey.

Siddeed nin oo dhallinyaro ahaa ayaa waxay ku shirkoobeen dhaca iyo laynta dadka, guri qasri ama fillo weyn ahaa oo ay bililiqaysteenna way wada dageen, wax alla wixii ay soo bililiqaystaanna gurigaas ayey keensan jireen.

Barxaddii fillada gawaari ay soo dhaceen ayey soo tubeen, qaar qololki guriga ka mid ahaana waxay ka buuxiyeen qalab electronic u badnaa, dhar, kabo, saacado, telefoonnada gacanta iwm, oo wada cusbaa, dahab iyo lacag ay jawaanno ku cabbeeyeen. Siddeeddooda shaqsi kaloo guriga ku wehlinayey ma jirin oo dadkoo dhan bay ka aammin-baxsanaayeen oo xitaa iyaga laftooda ayaa kala aammin baxsanaa oo guriga mar kaliya ayey ka wada bixi jireen, mar kaliyana way soo wada gali jireen, inkastoo mararka qaar ay afar maqaaxi u dhaweyd u raashin doonan jirtay, markay soo laabtaanna ay afarti kale ayaguna markooda raashin doonan jireen, guriga fadhigiisi ama saaloonkina way wada seexan jireen, marka raashinka la doonanayo iyo markii bililiqo hor leh la raadsanayo mooyaane inta kale qaad iyo hurdo ayey u dhaxeeyeen.

Maalin kale ayey afarba gaar isu fahantay ooguna heshiisay inay afartii kale ka takhallusaan.

Qoryahooda xabbaddaa dhuunta u wada joogtay oo fursad ay isku qaarrajiyaan kooxba kooxda kale way ka heli wayday.

Maalin kale ayaa waxay billaabeen in marba afar ka mid ahayd ay inta maqaaxida ka soo qadeeyaan afartii kale raashinkoodi u soo qaadaan. Maalinkii danbe ayaa afartii maqaaxida aaday raashinkii ay saaxiibbadood u soo qaadeen ay sun dadka disha ugu soo dareen, sidaas si la mid ahna afartii guriga ku hartay ay u go’aansadeen in markay saaxiibbadood guriga soo galaan ay horay ka qaarrajiyaan oo ay mar kaliya rasaasta ku wada furaan. Afartii raashinka sumaysnaa siday isla markii ay albaabka ka soo galeenba rasaasti ayaa lagu kulmiyey oo halkaas lagu xasuuqay.

Afartii saaxiibbadood laayey oo siduu shirqoolku ugu fulay ku faraxsanaa ayaa raashinkii sumaysnaa cunay, daqiiqado ka dibna saaxiibbadoodii aakharo u hayaamay halkaas kaga wada daba tagay.

Maalmo ka dib ayaa markii gurigii qasriga ahaa cid sii galeysa iyo cid ka soo baxaysa la arki waayey ay dadkii xaafadda qaar ka mid ahaa ka soo war dooneen, halkaasna maydadkoodiyoo dhex gorofsan oo afar ka mid ahaa ay xabbadihii lagu dhuftay ku yaalleen, afarti kale oo mataggoodi ama hunqaacadoodii iyo haraagii raashinki sumaysnaa oo doorsoomay dulyaallaan, wax xabbad ahna ayna jirkoodi ku oollin iyo bililaqadii oo aqalki ka buuxda loogu yimid.

8- Mooryaantu Qolo u Khaas Ah Ma Leh Ee Qabiil Kasta Ayey Ka Dhex Buuxaan.

Dhawr qof oo aan wada garanayey ayaa waxaan guri oogu imid ayagoo dalki ka wareysanaya gabar markaas un dalkeenni ka timid oo qurbaha ku soo biirtay. intii hadalku socday ayaa ruux ka mid ahaa eedeeyey qolo qabiilooyinka soomaalida ka mid ahayd sheegayna in ay xad-gudubyo badan geysteen, gabadhii qurbaha ku cusbayd baa markaas tiri: (mooryaantu qolo u khaas ah ma leh ee qabiil kasta ayey ka dhex buuxaan), ka dibna ka sheekaysay laba qiso oo midna ay ayadu indhaheeda ku aragtay, midna ay ka maqashay dambiilihii gabbood-falka geystay, labada qisabana mooryaanta sameysay ay intooda meesha ku sheekaysaneysay oo ay ayadu ku jirtay la qolo ahaayeen. Sheekada koowaad ee ay ka sheekaysay ayaa sidaan soo socoto ahayd; maqaaxi yar oo geed la waabay ahayd ayaa qof dumar ahayd ay ku iibinaysay canjeero iyo shaah.

Aniga iyo walaalkay oo isla soconnay oo baahi yara dareennay meeshana mareynay ayaa maqaaxidi yareyd ku soo leexannay si aan uga quraacanno.

Dad tobaneeyo ku dhaw ayaa maqaaxida fafadhiyey. Annagoo quraacaneyna ayaa waxaa maqaaxidi soo galay nin qori wata iyo naag daba socota oo aan labadoodaba dusha kore ka aqaannay ama aan ka arki jiray. Ninkii oo ahaa mid aan asagu u imaanin inuu wax iibsado ee inuu wax dhaca u yimid ayaa qoftii dumarka ahayd ee maqaaxida lahayd ku yiri; ka istaag meesha aad fadhido, markay istaagtayna boorsa yar oo ay jeeniqaarsaneyd oo lacagtu oogu jirtay ayuu ku yiri u dhiib naagtii asaga la socotay. Qoftii dumarka ahayd oo naxsan ayaa boorsadii u dhiibtay naagtii ninka la socotay.

Aniga, walaalkay iyo nin kaloo meesha fadhiyey oo ninkii ku leh; war gabadha xoolaheeda u celi ayuu inta is xanaajiyey noogu hanjabay haddii aan ka aammusi wayno in qoriga uu wato rasaasta ku jirta nagu aammusin doonno.

Annagoo lafahannagi u baqaynay markaan ka aamusnay ayuu meeshii qofti maqaaxida lahayd uu ka kiciyey fadhiisiyey naagtii isaga la socotay, tii maqaaxida lahaydna ku yiri; naftaada haddaad rabto orod oo iska tag, ayna annagoo arkayna waxna aannan u qaban karin ay iska dhaqaaqday.

Naagtii maqaaxida islaameed xoogga loogu wareejiyey indha-adeyggeeda isla markii ay gambarkii bililiqada ku fadhiisatayba intay annagi oo ciilkeeda tabcaan la wada ahayn nagu soo jeesatay nagu tiri; dhakhsada – dhakhsada – dhakhsada, quraacdi aad cunteen lacagteedi i soo siiya, dadkiyoo dhanna mar kaliya ay wada yiraahdeen; waan bixinnay lacagti, mid bixiyey iyo midaan bixinba.

Ninkii mooryaanka ahaa markuu dibadda nooga baxay ayaan naagti ayaduna mooryaanta ahayd is iri u caqli celi oo cuqubada ficilkooda ka ratibmaysa ooga dig ayey ayadoo careysan bastoolad yar boorsadi ay sidatay kala soo baxday, iguna tiri; naayaa haddaad edeb yeelan weydid tan baan kaaga shaqeynayaa.

Quraacdi aan cuneynay oo intii ay labadaas mooryaan soo galeenba aan cunitaankeedi joojinnay oo horteenna iskaga qaboowday, illeen nooba dhadhami maysee oo sideedii weelashi oogu jirta ayaan ka soo dhaqaaqnay.

Dhankii qoftii la bililiqaystay ay u dhaqaaqday ayaan maqaaxida uga anbabaxnay, in yar markaan sii soconnay waxaana kor ka aragnay ayadii oo mooryaan kaloo ayaguna hubaysan ay gacmaha jiid-jiidayaan oo rabaan inay xoogaan. haddii aan xaggooda u dhaqaaqi lahayn waxaan ka baqnay inay anigana i damcaan oo sideedoo kale i kufsadaan, walaalkay markuu difaaciddayda isku dayana ay halkaas ku dilaan.

Aniga iyo walaalkay oo lafaheenni u baqaynna ayaan halkii aan ku soconnay ka soo noqonnay, jidkii weynaa ee dadku ku badnaa xaggiisina u soo dhaqaaqnay oo aan halkaas ku sugnay bal inaan qoftii kufsiga ka dib aragno, si aan xaqeedii lacagti yareyd ee aan canjeerada ka iibsannay ahayd u siinno.

Ayadoo boorki lagu soo rafiyey ka muuqdo oo ooyeysa ayey dhankii loo sii jiidanayey ka timid oo aan inteedii yareyd iyo in yaroo kaloon oogu darnay siinnay, dhibaatadi aan indhaheenna ku arkaynay ee ku dhacdayna ooga tacsiyeynay.

Magaalada ganacsi ahaan ayaan aniga iyo walaalkay u nimid oo ma aannan haynin guri aan geyno, hase yeeshee albeergadii aan dagganeyn baan keennay si ay uga qabaysato maadaama ay noo sheegtay in tuulo la gubay oo dadkeedi uu qofba meel isaga dhaqaaqay ka timid, ninkeedi carruurteedi iyo walaalaheedna ay ku dhinteen oo ay laftigeedu magaalada ku cusbayd, ayna geedkaas waabatay oo maqaaxida ka dhigatay. halkaas habeyn markay albeergadi nala bariday ayey naga tagtay oo na tiri dad aan macriifo nahay oo xaafad fog daggan ayaan xaggoodi u sii lugaynayaa oo ay sidaas nooga tagtay, socodkeennii labaad markii aan aniga iyo walaalkay magaaladi ku soo noqonnay ayaa aragnay qofti maqaaxida laga dhacayey oo waalatay oo isla hadlaysa, haddii aad la hadashana aan kula hadlaynin, xaggaadana soo fiirinayn oo ayadoo hoos un eegaysa kaligeed isla daldalmaysa. Sheekadii koobaad oo ay halkaas ku soo xirtay ayey qisadii labaadna horay ka billawday, waxayna tiri:

Waxaan dhageystay nin mooryaantii sida xun wax u layn jirtay ka mid ahaa oo markaas intuu ururkii wadaadda ahaa ee Al-itixaad la oran jiray ku biiray, qamiisya cad-cad ku labbista, garkiisuna dherer dartii uu shafka joogay oo u warramayey niman ay markaas Al-itixaadka iskula jireen, wuxuuna yiri: Gaari xammuul ahaa ayaan nin hab deyn ahayd kaga kireysannay annagoo koox mooryaan ah ahayn, rabnayna inaan bililiqada aan helno kiradiisi ka siinno, waxaana rabnay inaan tuulooyinka dhacno oo gaariga masaggo bililiqo ah ka soo buuxinno.

Tuulooyin magaalooyinki aad uga fogaa ayaan ku wareegnay, horteen baase mooryaan kaloo nooga hormartay ay xaalufiyeen oo masaggadi ka rarteen. Intaan carradi ku wareegaynay ayaa rag lix nin oo hubaysnaa deegaankaasna ahaa ay dhexda nagu galeen, rasaasna nagu asqeeyeen, toban nin baan ahayne labo naga mid ahayd ayey halkaas nagaga dileen, markii aan annaguna laba ka dilnay ayey afartoodii soo harey kayntii nooga dhex carareen. Labadii mooryaanee naga dhintay maydkoodi intaan sii qaadannay ayaan meel dhexe godod aan aad u dheerayn u qodnay oo aan ku aasnay, ayagoo aan mayrnayn, janaasana ayna warkeedba oollin oo siddeeddeenna soo hartay iyo labadi dhimatayba hal naga mid ah oo salaad isku tukanayey naguma jirin.

Markaan qorshaheennii bililiqada ku ekaa waxaa ku soo siyaaday inaan wixii rag ah ee aan aragno aar-gudasho ahaan u layno.

Waxaan tuulooyin la gubay iyo kuwo bakaarihi laga quftay sii marno oo aan wax rag ah ka waynaba markii danbe ayaan tuulo dhawr muddul kaliya ka koobnayd oo kayn cidla ah ku dhex taallay nimid.

Afar naga mid ahaa iyo darawalkii gaariga ayey ku hareen oo ay ilaalinayeen, afar aan anigu ku jirana dhawrkii muddul oo dumar iyo carruur ay joogeen ayaan baaris oogu dhaqaaqnay, wax masaggo ahayd waan ka waynay.

Aqalkii ugu danbeeyey ayaan oogu nimid gabar ugub ahayd, hase ahaatee in la qabay ay iska caddeyd maadaama ay uur weyn lahayd oo dharkii ay sidatay iyo muuqaalka jirkeedaba laga fahmayey inay reer-magaal ahayd.

Markaan muddulkii aan gabadhaas ugu nimid sii baarnayna waxaan ka dhex helnay nin dhallinyaro reer-magaal ah ahaa oo halkaas ku dhuumanayey.

Markii aan ninkii dibadda u soo saarnay ee soo saar waxaad lag hayso haddii kale waad dhimaneysaa ku niri ee uu na yiri; lacag ma haysto ayey laba afarteennii ka mid aha oo labadiisi gacmood ku kala dhagganaa ay xaggii gaariga ula dhaqaaqeen, ayagoo soco adigaa halkay lacagti ku qarsoon tahay sheegi doonee lahaa.

Aniga baaritaanka iyo su’aalaweydiinta qaabbilsanaa, raggaan kalena aniga ayey in la i weeraro iga ilaalinayeen.

Markii ninkii xaggii gaariga loo sii dhaqaajiyey ayey islaan waayeel ahayd halkaas ka soo boodday, si khaas ahaydna aniga oo xaggeeda soo xigay iigu tiri: Maandhoow siddeed wiil baan dhalay toddobadii kale kuwo adinkoo kale ahaa ayaa iga laayey, midkaan kaliya oo ii soo haray ayaan magaaladi uu ku noolaa kala soo qaxay si uu baadiyahaan ugu nabad galee inaan ilaahay ku gablaminin ha i gablaminina ee saaxiibbadaa wiilka iiga soo reeb, gabadhii uurka lahaydna ka daba tiri; walaaloow wiilku waa ninkaygi, ilmahaan calooshayda ku jira ha igu agoontaynina ee inaan carruurtaada ilaahay agoonteynin saaxiibbadaa ninkaygi iiga gaar oo iiga soo reeb yaan la iga diline.

Hadalkoodii markuu qalbigayga taabtay ee aan damcay inaan ka soo reebo ee aan ka soo daba qaylshay anigoo waryaaya soo celiya ninka lehna aan ka soo daba orday, ayna fahmeen inuu ninku farahooda ka bixi rabo ayaa midkood uu calooshii beynaaddii qoriga ka galayey oo aan aaa’diisa maqlay, markii geedihii noo dhaxeeyey ee muuqaalkeenna kala qarinayey aan la soo wareegtayna aan asagoo naf-baxaya oo ay ka sii socdaan ka soo dul-dhacay, intaan maro ku xirxirayey ee aan is lahaa badbaadina ay naftiba ka boodday oo uu halkaas ku dhintay.

Anigoo maydkiisii wada miyaan hooyadi waayeelka ahayd iyo gabadhi maskiinta xaamilada ahayd ee sidaan ogaa iila hadlay la hor tagi karaa?, wajiga waan siin waayey asagoo barti uu ku naf-baxay yaalla ayaana isaga dhaqaaqnay. In kasta oo markii horee aan tuulada soo galeynay aan anigu doonayey in nin kastoo aan aragno aan dilno, labadii nin ee nagala dilay awgeed haddana labada hadal ee ninki hooyadiis iyo xaaskiisi ay i yiraahdeen in ninkaas kaliya la badbaadsho ayaan rabay, arrinkiisaas dartii ayaana mooryaannimadi ila fiicnayd ku karhay, inaan ka dhex baxana igu kalliftay, ninkii ninkaas baynaadda galiyey oo aan maalinkaas isku sigannay inaan is dilno oo haddadaan al-itixaadka igula jirana asaga ayaan uunka ilaahay ugu necbahay, sida ilaahay nagu saamixi doonana ma aan garanayo ayuu hadalkiisi ku idleeyey ayey tiri.

Qisooyinkii gaagaabnaa ee sida dadku qaarkiis u dugaagoobay, waxuush aan naxaynna u noqday oo halkaas ku eg, waxaan jeclaan lahaa in la helo dad cinwaanka qormadaan ee ah (Sida Loo Dugaagoobay) isticmaala, kuna aruuriya dhacdooyinka foosha xun ee mooryaantu ay ummadda Soomaaliyeed u geysatay, buug ay jiilka danbe ka akhristaanna laga soo saaro, si qaladkii hore aan mar labaad loogu dhicin, taxaddir badanna looga yeesho faafitaanka iimaan la’aanta.

W/Q: Maxamed Sheekh Cali.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook