Steven Jovetic Ayaa ku Eedeeyay Tababarihiisa Manchester City inuu Dilay.

Weeraryahanka Montenegro ayaa si weyn uga careysan in laga reebay kooxda Champions League ee Manchester City isagoo booska u baneeyay saxiixa cusub Wilfried Bony.

Jovetic oo 25 sanno jir ah ayaa yiri: “Tababaraha waa uu igu dilay go’aabkaan.

“Dadka waxa ay ii sheegayeen inaan ahay ciyaaryahan weyn laakiin sida iska cad tababaraha sidaas ma aaminsana.

“Waan u qalmay inaan liiska Champions League ka mid ahaado. Waana u sheegay tababaraha laakiin ima uusan dhageysan. Marka aan la ciyaareyno Barcelona waa ay igu adkaan doontaa inaan daawado.”

Stevan Jovetic ayaa sidoo kale si maldahan u sheegay inuu isaga tagi doono Man City, isagoo yiri: “Waxaan sugayaa ilaa iyo xagaaga, ka dib ayaan arki doonaa.”

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook