Suuqa Shidaalka lagu iibiyo Ee Black Sea ee Magaalada Muqdisho oo hada gubanaya+ Sawiro

Waxaa Goordhaw dab xoogan uu ka kacay Suuqa lagu iibiyo Shidaalka ugu badan Magaalada Muqdisho ee Black Sea, waxaana hada lasoo sheegayaa in uu dabku yahay mid xoogan oo kusii fidaya goobo badan.

Goob jooge kusugan Suuqa Shidaalka Black Sea ayaa noo sheegay in dab uu goordhaw ka kacay Suuqaasi, waxa uuna tilmaamay in dabku uu wali socdo ayna wali goobgaasi imaan gawaarida dab damiska.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in fuustooyin ay shidaal ka buuxaan in ay qaraxyo sameenayaan, waxaana uuradaha iyo holaca dabkaasi laga arkayaa inta badan magaalada Muqdisho.
Lama oga ilaa hada inta uu la egyahay qasaaraha dabka xoogan ee goordhaw ka kacay Suuqa Shidaalka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta kusii qul qulaya dadweyne aad u badan oo dadaal ugu jira sidii looga hortagi lahaa in uu dabku sii faafo.

shi shi1

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook