opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taageerayasha Stoke oo gacmaha ula tegey Police-ka iyo shaqaalaha garoonka +Sawiro

Share

Kooxda Stoke City ayaa halis ugu jirta in laga ganaaxo iney taageerayaashoodu u safraan garoomo kale kulamada ay dibadda kusoo cayaarayaan kadib rabshado ay sameeyeen kulankii 4-1 ee FA Cup guul darada ka qaateen kooxda Blackburn Rovers ee xaley ka dhacay Ewood Park.

Goob jooge arkayey sida ay wax u dheceen ayaa warbaahinta u sheegay in koox taageerayaal katirsan Stoke City ay tuuryeeyaan taageerayaal kasoo horjeeday,tiiyoo kadibna ay dhalooyin ku tuureen kooxd amaanka garoonka qaabilsan ee dharka cagaaran xiran,taasoo markii danbe sababtay in Police-ka ay faraha iskula tagaan markii ay maageen iney kala dhexgalaan,waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in hal ruux uu ku dhaawacmay rabshadaasi.

Kooxda Stoke City oo ka dheesha horyaalka sare ee Premier league ayaa si xun looga reebay koobka FA-Cup ka wareegiisa shanaad markii kooxda ka dheesha heerka hoose ee Championship-ka ee Blackburn Rovers 4-1 ku dhufatay,waxaana la arkayey qar katirsan ciidanka Police-ka garoonka ku sugnaa oo Video ka duubayey rabshadaha ay taageerayaasha Stoke sameeyeen,iyadoo laga war-dhowri doono go’aanka arintaan ku aadan ee ay soo saari doonaan xiriirka FA-ga.

taa1 taa2 taa3 taa4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook