Tababarihii Aston Villa oo shaqadii tababarenimo Laga Ceyriyay

Aston Villa ayaa ceyrisey tababareheedii Paul Lambert kadib mudo labo sano iyo bar uu kooxdaasi hogaaminayey

war saxaafadeed ay soo saartay kooxda Villa ayaa lagu shaaciyey in Macalin Lambert habeenkii xaley gebi ahaan laga joojiyey howsha uu kooxda u hayey,sidoo kale tababaraha kooxda koobaad ee Scott Marshall iyo tababaraha goal-hayaasha ee Andy Marshall ayaa lagu amray iney diyaariyaan kooxda dheeli doonta kulanka FA Cup ee kahortegeysa Leicester City kaasoo Axada soo socota ka dhici doona Villa Park.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Kooxdu waxay sidoo kale soo dhoweyneysaa Recordka uu u sameeyey Paul intii uu la shaqeynayey,waxaana loo rajeeyey inuu guul ku dhameeysto howlaha kale uu qaban doono mustaqbalka.”

Lambert,oo 45,sano jir ah ayaa leyliyey kooxdan 101 ciyaarood tan iyo markii uu kaga soo biirey Norwich City, oo uu ka keenay League One geeyayna Premier League, sidoo kale wuxuu soo leyliyey Livingston, Wycombe iyo Colchester.

Villa ayaa guuleysatay 25 kulan keliya,iyadoo la garaacay 50 intii uu hogaaminayey Lambert’s games, waxayna dhaliyeen keliya 98 goals, kulankii ugu danbeeyey ee kooxda uu hogaaminyo Lambert habeenkii Talaadada waxaa 2-0 ku garaacday Hull City.

Aston Villa ayaa iminka fadhida kaalinta 18thaad Premier League, waxayna horey intii uu waday macalinkan ku dhameeysatay kaalinta 15th waxayna iminka calaamadeysatay 10 kulan oo aysan horyaalka wax guula aysan gaarin, Lambert ayaana bilowgii xili cayaareedkan loo kordhiyey heshiis gaaraya June 2018 markii la arkey in kooxda ku bilowdey horyaalka wejigiisa hore dar-dar,isagoo markaa taageero ka heystay agaasimaha guud ee kooxda Tom Fox,laakiin nasiib daro xaley ayaa shaqadii laga raacdeeyey.

goo1 goo2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook