Taliyaha Ciidamada Jabuuti Iyo Wafdi La Socda Oo Soo Gaaray Baladweyne

Taliyaha ciidamada Jabuuti Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa saaka safar waxa uu ku yimid magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Soo dhaweyn ka dib taliyaha ayaa faah faahin ka bixiyay uljeedka rasmiga ah ee uu u yimid magaalada Baladweyne iyo mudada uu joogi doono.

Ugu horeyn waxa uu sheegay in safarkiisaan uu yahay mid illaa maanta uu ku joogayo magaalada Baladweyne, sidoo kalena uu halkaasi u tagay arimo ay ka mid tahay u kuur gelidda xaaladda ciidamada Jabuuti ee ka jooga Hiiraan, sida ay ula howlgalaan ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee AMISOM.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saacadaha soo aadan uu kulamo la yeelan doono maamulka gobalka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada kale ee ka socda AMISOM.

Taliye Sakariye ayaa ka dhawaajiyay in sidoo kale AMISOM uu ku wareejin doono ciidamadii dhawaan laga keenay dalka Jabuuti kuwaa oo tiradoodu gaarayso Kun Askari, si ay uga sii qeyb qaataan howlgalka AMISOM ee ciidanka Jabuuti ka wada gobalka Hiiraan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook