opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taliyiha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo Xilkii laga qaaday

Share

Warar ay heshay Warbaahinta WardoonTv.Com ayaa sheegaya in Xilka laga qaaday Tliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen, Maxamed Cumar Madaale,islamarkaana Xilkaasi loo Magacaabay Gen Muqtaar Xuseen Afrax oo la aaminsan yahay in uu Qabiir ku yahay Dhinac Amniga.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sababaha uu Xilka ku waayay Gen, Madaale ay tahay in uu ku Fashilmay Amaanka Caasimadda Muqdisho intii uu Xilka hayay.

Madaale intuu uu ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir,waxaa dhacay Weeraro lagu qaaday Xarumaha Muhiimka ah ee Dowladda,kuwaas oo aan Daba galkii loo baahnaa lagu sameyn.

Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka C/raxmaan Tuuryare uu Xilalka ka qaaday Taliyihii Nabad sugida Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi iyo Kuxigeenkiisii C/fitaax Shaaweye,iyadoona Labadaasi Masuul look ala Magacaabay Kaaliyaha Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida oo Koofi laga dhigay iyo Madaxa Xariirka Gobolada ee Hay’adda oo laga dhigay C/fitaax Shaaweye.

Sidoo kale waxaa beenowday in Xilka laga qaaday Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugida C/salaam Cali Hudey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook