Taliyihii Nabad Sugida G/Banadir & Kuxigeenkii Hay’adda Nabada Sugid oo Xilalkii laga qaaday

Warar ay heshay Warbaahinada Wardoontv.Com Iyo Wardoon.net ayaa sheegaya in Xilalkii laga qaaday Taliye Kuxigeenkii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdisalaan Cali Hudeey iyo Taliyihii Hay’adda Nabad Sugida Gobolka Banaadir Maxamed Adan Jimcaale (Koofi) .

Wararka ayaa sheegaya in Taliye Kuxigeenkii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdisalaan Cali Hudeey lagu badalay Mas’uul ka soo jeeda Degaanada Maamulka Puntland oo aanan helin Magaciisa.

Sidoo kale Taliyihii Hay’adda Nabad Sugida Gobolka Banaadir Maxamed Adan Jimcaale (Koofi) ayaa la sheegay in lagu badalay C/Xakiim Farey oo hore u soo noqday Taliyihii Ciidanka Ilaaladda Madaxweynaha.

Ilaa hada lama oga Sababta Xilalka looga qaaday Saraakiishaas ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook