opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Van Gaal Oo Qorshaynaya Inuu Xagaaga Suuqa La Galo Lacag Dhan 200 Oo Milan Si Uu …

Share

Sida ay ku waramayso jariirada Daily Express, tababaraha kooxda Man United ee Louis Van Gaal ayaa qorshaynaya inuu markale Baanka Man United u jabiyo heshiisyo cusub oo uu kooxda xagaaga ku soo kordhinayo.

Van Gaal ayaa isku diyaarinaya inuu markale lacag badan suuqa la galo kadib markii uu xagaagii hore suuqa ku bixiyay lacag ka badan 150 milyan oo gini. Hadda wuxuu diyaarinayaa inuu 200 oo milyan oo yuro kula soo wareego shan ciyaartoy.
Louis van Gaal ayaa calaamadsaday shanta ciyaartoy ee kala ah Nathaniel Clyne, Mats Hummels, Kevin Strootman, Memphis Depay iyo Paulo Dybala.

Man United ayaa dhamaan ciyaatoydan hore loola xidhiidhinayay laakiin Strootman ayaa hadda dhaawac muddo dheer ah ku maqan kadib markii uu dhawaan maray qaliin jilibka ah lamana sheegin waqti uu si rasmi ah garoomada ugu soo laaban doono.

Van Gaal ayay xili ciyaareedkan ujeedadiisa kowaad tahay inuu Man United u soo saaro Champions Leaque-ga iyo inuu FA Cupka oo ay hadda kooxdiisu u soo baxday wareega sideed dhamaadka uu ka dhigto koobkiisii kowaad ee Man United inkasta oo uu tartan kooxgan kala kulmayo Arsenal iyo Liverpool marka laga yimaado kooxa yar yar ee tartanka ku jira.

Man United ayaa hadda ku jirta kaalinta saddexaad ee kala saraynta horyaalka Ingiriiska waxayna shan dhibcood ka danbaysaa dariskeeda Man City halka ay 12 dhibcood ka hoosayso Chelsea oo hogaanka u haysa horyaalka Ingiriiska.

Laakiin kaalmaha Champions Leaque-ga loogu soo baxo ayuu xili ciyaareedkan tartan xoogani ka jiraa waxaana isku dhagsan kooxaha Man United, Southampton,Arsenal, Tottenham iyo Liverpool.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook