opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Warar Dheeraad Ah oo kasoo baxeyo dagaalka ka socda Koonfurta Gurceel

Share

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo dagaal qaraaran oo xiligaani ka socda Koonfurta Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in leysu adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inay qaaden Ciidamada DF Somalia ee ku sugan duleedka Magaalada, waxa ayna kusii siqayaan dhanka Magaalada Guriceel.
Ciidamada dowlada ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka, halka kuwa Ahlu sunna ay iyaguna wataan gaadiid fara ku tiris ah, waxaana la soo warinayaa in halkaasi uu ka dhashay Khasaaro kala duwan iminkana uu socdo dagaalka.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu sunna dagaalka looga dilay ilaa 6 askari, halka kuwa dowladuna laga dilay Afar askari oo kamid aheyd kuwa jiida hore ee dagaalka ku jira.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ahlu sunna laga gubay hal gaari nooca gurmadka ah, kaasi oo xiligaasi waday Ciidamo dheeri ah oo la geeynaayay jiida dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac xoogan oo ay uga cararayaan Madaafiicda dagaalka iyo rasaasta ay is weydaarsanayaan Ciidamada.
Dhanka kale, waxaa sii xoogeysanaayo dagaalka waxaana la arkay Ciidamo ka tirsan Dowlada oo wata gaadiid dagaal oo u gurmanaayo kuwa dagaalka ku jira.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook