Wariyeyaal oo Maanta Maxkamaden’tooda Dib loo dhigay+ Sawiro

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi iyo Wariye Maxamuud Maxamed Daahir (Carab), ayaa waxaa maanta la horkeenay Maxkamadda Gobolka Banaadir, xilli muddo lix bilood ay ku xiran yihiin Xabsiga Dhexe Xamar.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay furan tahay Maxkamadda, markii la horkeenay labada Suxufi. Laakiin waxay dood adag ka dhalatay Xeer Ilaalinta oo aan soo dhameystirin dacwadaha loo heysto labada Suxufi.

Qareenadii difaaceysay Suxufiyiinta, ayaa wax layaab leh ku sheegay inaanay Xeer Ilaalinta Guud Qaranka soo bandhigin dacwadaha saxda ah, ee loo heysto Suxufiyiinta u xiran Dowladda Somaliya, muddo lix bilood ah.

C/kariin Axmed Maxamed oo ka mid ah Abukaate-yaasha difaaceysa Suxufiyiinta, ayaa su’aal ka keenay haddii Suxufiyiintu ay xiran yihiin muddo lix bilood, sababta ay Xeer Ilaalintu ugu soo diyaarin weyday eedeymaha loo heysto.

Abukaataha, ayaa waxa uu Dowladda Somaliya uu ku eedeeyay inay siyaasadeyneyso kiiska Suxufiyiinta, laakiin wuxuu balanqaaday inay iyagu ku dadaali doonaan, sidii Cadaalad ay ku heli lahaayeen Suxufiyiintaasi.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kiiska Suxufiyiinta, ilaa 1-da bisha soo socoto ee Maarso, si markaasi horey loogu sii ambo qaado kiiskooda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Isaaq (Pakistan), ayaa sheegaaya inay wanaagsanaan laheyd in damiin lagu sii daayo Suxufiyiinta, iyadoo markaasi ay socoto dacwadooda. Laakiin ay taasi Dowladdu ka diiday.

Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse, ayaa Dowladda Somaliya ku dhaliilay inay siyaasadeyneyso xariga labada Suxufi, ee ku xiran Xabsiga Dhexe Xamar.

wariye1 wariye2 wariye3

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook