opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wasiir hore oo saakay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho+Cod

Share

Waxaa saakay salaadii subax Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Muuse Nuur Amiin ,oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee Dalka Soomaaliya soo maray.

Allaha u naxariistee Muuse Nuur Amiin, ayaa mudooyinkii dabe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho , waxa uuna xalay ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer uu mudooyinkan dambe lagu daweenayay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo qaraabo dhaw yihiin Marxuunka geeriyooday ayaa sheegay in uu saakay aroor hore ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ay gacanta ku hayaan Turkida, waxa uuna intaa raaciyay in Muuse Nuur mudooyinkii dambe uu xanuunsanaa.

“Innaa Lillaahi Waa Innaa Illeyhi Raajicuun, Muuse Nuur Amiin waxa uu saaka salaaddi Subax ku geeriyooday isbitaalka Digfeer , bilihii la soo dhaafay wuu xanuunsanayay, inkasta oo isbuucaan uu darsaday, marka Ummadda ayaan uga tacsideyneynaa geerida Marxuumka” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Muuse Nuur Amiin ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii dalka soo maray, waxa uuna Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya kasoo noqday Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuuuf Axmed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook