Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga oo Is Casilay+ COD

Wasiir ku xigeen Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Muqdisho C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo ka mid ah Golihii habeyn ka hor lagu dhawaaqey ayaa Shaaciyey inuu iska casiley Xilkii dhawaan loo magacaabay.

C/raxmaan Kulmiye Xisri (C/raxmaan Dheere) –oo ka soo jeeda Beesha Sheekhaal ayaa is casilaadiisa u sababeeyay labo qodob oo kala ah markii horeba u magacaabistiisa xilkaasi inaan isaga lagala tashan iyo tan labaad oo ah Saluugmo uu ka qabo hanaanka Awood qaybsiga beelaha sida uu hadalka u dhigey.

C/raxmaan Dheere waxa uu hayb la wadaagaa Faarax Sheekh C/qaadir oo si weyn loogu xagliyo Madaxtooyada, hase ahaatee waxaa xusid gaar ah mudan in C/raxmaan Dheere xilkaan haatan uu iska casilayo uu ka soo qabtey Xukuumadii Ra’iisal Wasaarihii hore ee Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isku soo wada duuboo Xaaladani ayaa imaneysa xili dhawaan la filayo in la hor geeyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Xukuumadan Cusub ee uu soo magacaabey habeen hore R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo la oran karo wuxuu ku daaley siyaasada jahwareersan ee ku dhisan xiligan kala sed-bursi Xubnaha xililka haya iyo xisbiyada is barbaryaaca ku saleysan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook