Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada somaliya oo itoobiya kuxiran +Cod

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir Warsame Joodax ayaa Warbaahinta u sheegay in Dalka Itoobiya mudo sadax maalin ah uu ku xiran yahay Wasiir katirsan Xukuumada Cusub ee Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa dalkaasi ku xiray Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Xukuumada Cusub ee Soomaaliya Xirsi Aadan Roobe, oo sidoo kale ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warsame Joodax ayaa tilmaamay in wali ay garan la yihiin Sababta loo xiray Wasiirkan katirsan Xukuumada aan Wali kalsoonida Baarlamaanka helin, waxa uuna ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in ay gacan ka geesato soo deynta Wasiirkan katirsan Xukuumada Soomaaliya.

Dowlada Itoobiya iyo Dowlada Soomaaliya ayaan wali labaduba aysan ka hadlin xariga la sheegay in Dalka Itoobiya loogu geestay Wasiirkan katirsan Xukuumada uu dhawaan soo magacaabay Ra’izul Wasaare Cumar Cabdirahiid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook