Wasiirka Amniga Qaranka oo maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore +Sawiro

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka C/risaaq Maxamed Cumar, ayaa waxa uu maanta la wareegay xilkaasi, ka dib munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Amniga ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, ayaa Sabtida maanta ah xilkaasi si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka cusub, xilli Golaha Wasiirada ay codka kalsoonida ka helayn Golaha Shacabka.
Khaliif Axmed Ereg, ayaa ka sheekeeyay mudadii uu xilkaasi soo haayay iyo waxyaabaha u qabsoomay. Wuxuuna ku faanay inuu wax badan ka qabtay ammaanka dalka, isla-markaana uu wiiqay awooddii Ururka Al Shabaab.
Ereg, ayaa xilkaasi loo magacaabay 9-kii bishii Luulyo ee sanadkii tagey, markii 24-kii May uu xilkaasi iska casilay Wasiirkii isaga ka horeeyay ee C/kariin Xuseen Guuleed.
Magacaabidda Ereg waxay ka dambeysay, xilli 8-dii Luulyo ay Shabaabku weerar qorsheysan ku galeen Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoona la qal-qal geliyay nolosha Madaxda Dowladda.
Ra’iisal Wasaarihii hore Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa soo magacaabay Khaliif Axmed Ereg.

ere1

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook