opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo xilka la wareegay+Sawiro

Share

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, hidaha iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaas Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Xaflad xil-wareejin aheyd oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ka qeybgalay Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble oo haddana mar kale loo soo celiyay xilkiisa, xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda, hanti dhowraha guud ee qaranka iyo shaqaaalada wasaaradda.

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa ka maqnaa munaasabadda xil wareejinta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble, wakiilna ka ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa sheegay in intii ay xilka hayeen ay wax badan ka qabteen wasaaradda iyo hormarinta xirfadda shaqaalaha.

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, hidaha iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku ammaanay wasiirkii hore iyo shaqaalaha wasaaradda dadaallada dhinaca horumarka ee ay sameyeen.

Wuxuu  ballan-qaaday inuu horay u sii ambaqaadi doono horumarinta howlaha wasaaradda, isagoo xusay inuu dib usoo celin doono wakaaladda filimada Soomaaliya, tiyaatarka iyo mabdbacadda qaranka.

wa wa1 wa2 wa3 wa4 wa5 wa6 wa7 wa8 wa9 wa11 wa33 wa44 wa66 wa99

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook