Waxgarad Tagay Degmada Guriceel Si Ay Dagaalada u Joojiyaan+ Cod

Degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud waxaa gaaray Odayaal dhaqameed ka tagay degmada Dhuusa Mareeb, kuwaa oo ka qeyb galayay shir ka dhacay degmadaasi si ay u xaliyaan dagaalada ka socda degmada Guriceel.

Odayaashaan ayaa dhamaantood ka tagay degmada Dhuusa Mareeb, waxaana ay gaarayaan Boqolaal, kuwaa oo uljeedka ay halkaasi u aadeen tahay daminta dagaallo maalmahaan u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna.

Odayaasha ayaa markii ay tageen degmada Guriceel waxa ay deg deg ku bilaabeen wada hadal ay la sameynayaan dhinacyadii dagaalamay, waxaana socda kulamo nabadeen ah.

Mid ka mid ah waxgaradkaan ayaa inoo sheegay in ay la kulmi doonaan saraakiisha kala hogaaminaysa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna xilli dhaq dhaqaaq ciidan uu socdo.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa dagaal kula wareegay degmada Guriceel, waxaana Labadii maalin ee ugu dambeysay halkaasi ka dhacay dagaalo khasaare sababay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook