opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xanta iyo Xam xamta kadhex taagan gudaha Kooxda Real Madrid

Share

Aqristayaal waxaan qormadaan ku eegeynaa dhibaatada soo laa laabatay beryahaan ee kusaabsan Kooxda lagu nay naaso Los Blancos ee Real Madrid dhibaatadaas oo ah dagaalka iyo hadalada aan dhamaadka lahayn ee kadhex jira Cayaartoyda iyo Taageerayaasha Naadigaas sidoo kalana waxaan kamarnayn Maamulka Kooxda.

Hadii aan dib u eegno waxyaabihii ugu dambeeyey ee kadhex dhacay kooxdaan waxaa kamid ah In Xidigaha 3 da ah ee afka hore kawada dheela ee kala ah Karim Benzema Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale ay kadhex oogantay arin qilaaf ku abuurtay markii midba kan kale ku eedeeyey inuu Baas kubadeed u diidey taas oo keentey in Taageerayaasha kooxdaas lakala saftaan Cayaaryahanadooda waxaana Gooni loo faquuqay Cayaaryahanka Gareth Bale oo lagu oriyey dhawr Cayaarood.

Sidoo kale waxaa qilaaf badan dhaliyey Kulankii Guuldarada xun ay kala kulmeen Real Madrid Kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid iyo Xafladii uu isla habeenkaas dhigtay Xidiga dunida ugu wanaagsan ee Cristiano Ronaldo taas oo hayd dhalashadiisii 30 aad oo ay ku kala aragti duwanaadeen Cayaartoyada Maamulka iyo Taageerayaasha Kooxdaas waxaadna moodey in lala kala saftay Fikiradaas isdiidan iyadoo lagu canbaareeyey Ronaldo inuu iska faraxsanaa Real Madrid oo Guul daro xun lakulantay.

Waxaa kaloo soo baxday in Taageerayaasha kooxdaas ay eeda Guuldarada dusha kasaareen Goolahayahooda Rugcadaaga ah Iker Casillas waxayna kadalbadeen Macalinka kooxdaas in uusan kol danbe soo safin laakiin markii uu Xalay cayaaray kulankii ay ladheeleen Deportivo La Coruna ayaa taasi waxa kentey In Taageerayaasha Real madrid ku oriyaan isaga iyo Macalinkaba sidoo kale waxaa Qilaaf soo kala dhex galay Xidigaha Ronaldo iyo Benzema markii xidiga dalka France uu Canbaareyey Xafladii dhalshada Ronaldo.

Hadaba dad badan ayaa aaminsan in qilaafkaan uu sababay in Real Mardrid Xalay gaarto guushii u horeysey 3 dii kulan ee lasoo dhaafay waxaa kaloo la aaminsanyahay in Xidigaha midba midka kale iskala wanaagsanyahay ee laga soo buuxiyey kooxdaan ay keentey in laisku garab yaaco Horaana looyiri qoori xero kuma heshiiso.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook