Xasan oo safar uu ku qornaa ka xoogay Carte & DF oo qarisay ujeedka safarka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kadib markii uu saacado kooban ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ka soo laabtay dalka Jarmalka oo arrimo caafimaad uu u joogay muddo shan beri ah.

Socdaalka madaxweynaha ayaa warbaabinta dowladda ku sheegtay inuu kulamo kula qaadan doono dalka Itoobiya wufuud ka socota Beesha caalamka. Si kastaba xaqiiqda ayaa ah in ujeedada socdaalka madaxweynaha ee dalka Itoobiya uu yahay ka qeybgalka xuska sanad guurada 40-aad ee Jabahdda Tigree (Tigray People’s Liberation Front -TPLF).

Xuskaasi oo ka dhacaya magaalada Mekelle ayaa waxaa kaloo ka qeybgalaa madax ka kala socota dalalka Ruwanda, Uganda, iyo Jabuuti, waxaana magaaladaasi ku sugan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Safarka uu madaxweynaha ugu anbabaxay dalka Itoobiya ayaa la xaqiijiyay inuu ku qornaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali, laakiin CC ayaa weli ku maqan yahay dalka Canada halkaasoo uu degdeg ugu socdaalay markii ay hooyadii ku geeriyootay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa soo jeediyay inuu xafladaasi uu ka qeyb galo ku xigeenkiisa Maxamed Cumar Carte, waxaana shalay galab Muqdisho kasoo degtay diyaar gaar ah oo loo soo kireeyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka si uu shirkaasi uga qeybgalo, lakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in saacadii ugu danbeyay la bedelay oo safarkaasi oo madaxweynaha uu isku qoray, isagoo si lama filaan ah ugu anbabaxay Itoobiya si uu xafladaasi uga qeybgalo.

Lama yaqaan sababta ku qasabtay Xasan Sheekh inuu socdaal noocaas ah ka xoogo qof kale, hase yeeshee waxaa loo arkaa calaamad kale oo muujineysa sida siyaaisiiynta Soomaalida ugu lugo xiran yihiin dowladda Ethiopia.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Xasan oo safar uu ku qornaa ka xoogay Carte & DF oo qarisay ujeedka safarka”

  1. maxamed says:

    aniga waxay igu muqata boqashada degdegta ah oo madaxweynaha JFS,Xassan sh.maxamuud ku garay wadanka Itoobiya in aay tahay xukun jacaylka iyo kali talis nimo iyo waliba protolka oo ka xun,sida laga warqabo xil isga loga habon yahay ayey ahayd,asogoo hader safar cafimad ka yimid oo aan nasan,oo aan cidna uwaramin in uu diyaradi uu ku yimid tii ku xigtay kuwargo,tasi ma’ah masuul waxuu sameyo waxa jira rag badan oo kaga haboon arintasi,sida wasirka arimaha dibada ama raisal wasaraha ama ku xigenka, ama safiirka wadanka ufadhiya xata agasimaha guud ee wasarada arimaha dibada ama qof ka mid ah xildhibanada Qaybata arimaha dibada cidkasta aya lo wakilan kara,shardi ma’ah in melkasta madaxweynuhu utagnado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook