Xasan Sheekh Maxamuud iyo Geelaha Jabuuti oo goordhaw gaaray Magaalada Baladweyne

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyn gaaray wafdi ay hogaaminayaan Madaxweynayasaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga labada madaxweyne ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diiyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiirana iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Amaanka Magaalada Baladweyn ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah lagu arkayaa ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee kasocda Dalka Jabuuti, waxaana Baladweyn horey ugu sugnaa Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Dalka Jabuuti.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook