opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xasan Sheekh oo Baaris Caafimaad u aaday Dalka Jarmalka Goordhawna ka dhoofay Muqdisho

Share

Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno lasocday oo katirsan Dowlada iyo Qoyskiisa.

Madaxweynaha ayaa u kicitimay Dalka Jarmalka , waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay mid la xariirta arimo caafimaad uu u tagayo dalkaasi, iyadoona la filayo marka uu tago Jarmalka in Madxaweynaha uu maro baaris caafimaad.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilihii lasoo dhaafay ku jiray dhafar iyo buq siyaasadeed, waxaan Warar soo baxaya sheegayaan in Madaxweynaha uu doonayo inuu maro baaris caafimaad maadama uu buuq badan iyo shaqo adag uu dhaxda ka galay bilihii lasoo dhaafay.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya xubno kairsan Qoyskiisa, mana jiro ilaa hada wa war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan safarka Madaxweynaha uu ku aaday Dalka Jarmalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sanadkii hore sidan oo kale baaris caafimaad u tagay Dalka Turkiga , waxaana la filayaa Madaxweynaha in uu Dalka Jarmalka soo joogi doono maalmo aan la cayimin uuna mari doono baaris caafimaad .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook