opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xasan Sheekh oo shaaciyay xiliga uu furmayo shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe+ Cod

Share

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu daboolka ka qaaday goorta uu furmi doono Shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo halkaasi kula kulmay Siyaasiyiin, Odayaal, waxgarad, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Shirka uu si sax ah u furmi doono 1-bisha May ee soo socota.

Waxa uu sheegay in shirka uu ka furmi doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb, wuxuuna ku baaqay in Odayaasha iyo Bulshada maamulka loo yagleeli doono ay noqdaan kuwa isku xiran.

Madaxweyne Xassan wuxuu sheegay in muddada ka dhiman la dhameystiri doono howlaha gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, si loo mideeyo Galgaduud iyo Mudug.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in caasimada maamulkaasi ay tahay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud halkaasina uu maamulka u shaqeyn doono.

Madaxweyne Xassa wuxuu sidoo kale maanta si rasmi ah u furay shirka wadatashiga ee u dhaxeeya beelaha wada daga deegaanada Galgaduud iyo Mudug kaasi oo maalmahaan ka socday degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook