Xasan Sheikh oo la kulmay Madaxda Maamulada Puntland,Jubba iyo G.Galbeed+DHAGEYSO

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Soomaaliya kula Kulmay Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland,Jubbaland iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Warbaahinta Dibada ka joogtay,iyadoona Wararka ay sheegayaan in Madaxweynaha dalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay ka wada hadleen Arrimo ay kamid yihiin Mideeynta Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada.

Sidoo kale Kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday Arrimo Quseeya Hiigsiga 2016-ka oo Dowladda Federaalka ay ku rajo weyn tahay in Dalka ay ka dhacdo Roorasho Dadka ay Codkooda dhiibtaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Kulamada Madaxda Maamul Goboleedyada qaar ee Madaxweynaha la Kulmay iyo Madaxweynaha ay Kulamo kale qaadan doonaan ,iyadoona Galabta la filayo in warmurtiyeed laga soo saaro.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa Warbaahinta u Aqriyay Waxyaabihii laga wada hadlay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook