Xiddigaha Barcelona Oo Xayaysiin Cajiib Ah U Sameeyay Shirkada Ay Xiriirka Leeyihiin Ee Qatar Airways.+ video

Barcelona ayaa ku dhex duuleysa garoonka tan iyo fasixii qaboobaha, waxaana ay u muuqdaan in kooxda reer Calatans ay sidoo kale banaanka garoonka xiraa ku duulayaan.

Weerarka seddex aflaha ah ee Barcelona Luis Suarez, Neymar iyo Lionel Messi ayaa ka soo dhex muuqday xayaysiin loo sameeyay shirkada bahwadaaga la ah Camp Nou ee Qatar Airways.

Seddex weeraryahan waxaa kula biiray xayaysiinta xiddigaha ka soo qalinjabiyay La Masia ee Gerard Pique iyo Andres Iniesta, waana xayaysiin soconeysa 62 ilbiriqsi oo lagu soo bandhigay in diyaarada Qatar Airways ay u duusho 140 meelood caalamka.
Iyadoo ay wehliso heesta caanka ah ee Group-ka Beach Boys ee ‘I get around’, seddexda weeraryahan ayaa loogu labisay siyaabo kala duwan, Neymar waxa uu u labistay sida wiilasha xeebaha ka shaqeeya, halka Messi loogu labisay qof ciyaara isboortiga dagaalka ee Karate, Suarez ayaa isna loogu labisay sida cowboy. Halka Iniesta iyo Pique ay iyagana Paris ku soo arkeen dhaqanka Faransiiska.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook