Xildhibaan Sheegay In Dhibaatooyin Xoogan Ay Ka Jiraan Magaalada Baraawe +Cod

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan magaalada Baraawe, islamarkaana la weeraray Mas’uuliyiin.

“Baraawe waxaa ka dhacay arimo aad u fool xun, gudoomiyahii Baraawe, mas’uulkii Nabad sugidda ee degmada iyo sidoo kale ninka dhinaca caafimaadka qaabilsan waxaa usoo dhamaaday shaqooyin ay magaalada Muqdisho ka hayeen, waxa ay ku laabteen degmada Baraawe si howshii degmada ay usii wadaan, laakiinse markii ay tageen hotelkii ay deganaayeen waxaa lagu qaaday weerar xoogan, waxaana weerarkaasi qaaday nin Nabad sugidda Baraawe ku xigeen ahaan meesha ku joogay, AMISOM ayaa timid ragii ayeey dhex galeen, hadda kahorna weynu sheegnay in shaqsigaan Nabadda sugidda Meesha u jooga uu dhibaato halkaasi ka hayo, taliyahii Nabad sugidda waan gaarsiinnay, hadii aan deg deg wax looga qabanna wax badan ayaa dhici kara” ayuu yiri xildhibaan Bakar.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay gaarsiiyeen dhibaatooyinka uu sheegayo in ay ka jiraan degmada Baraawe, waxaana uu taliska Nabad sugidda dowladda uu ka codsaday in si deg deg ah wax looga qabto arintani.

Dhanka kale Goobjoog Fm ayaa isku dayday in xiriir ay la sameyso ku xigeenka Taliyaha Nabad sugidda ee degmada Baraawe maadaama eedeyn loo jeediyay hase ahaatee waa ay inoo suurta geli weysay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook