Xoghayaha baarlamaanka federaalka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux oo Xaqijiyay tirada kadhimatay+ Cod

Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux xoghayaha baarlamaanka federaalka ayaa xaqiijiyey geerida labo xildhibaan iyo dhaawac hal xildhibaan oo kale, wuxuuna qasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay Hoteel Central ee magaalada Muqdisho.

“Weerarka maanta dhacay oo jimcaha ah, inta aan aniga ogahay waa labo xildhibaan dhimashadu, xildhibaan kalana dhawaac baan ku ogahay, intaasbaan xagga baarlamaanka ogahay, xagga xildhibaanadii hore, mid waan ogahay in uu dhintey, ” ayuu yiri.

Ma uusan sheegin magacyada xildhibaanada, laakiin waxaan fahamsanahay in ay kala yihiin Xildhibaan Cumar Cali Nuur Furdug, xildhibaan Maxamuud Ducaale oo bilo ka hor badalay xildhibaan Saado Cali oo horey loo diley. Xildhibaan Cabdiqaadi Cali Cumar ayaa isaguna dhaawac ah oo la dabiibayaa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook