Yahuuda kunool Qaarada Yurub oo loogu baaqay in ay usoo guuraan Israel +Video

Benjamin Netanyahu ,Ra’izul Wasaaraha Yahuuda Israel ayaa ugu baaqay dadka Yahuuda ah ee kunool Wadamada Yurub kuyaala in ay halkaasi isaga soo guuraan ayna yimaadaan dhulka ay xooga ku heestaan ee Israel.

Ra’izul Wasaaraha Israel ,oo ka hadlay weerarada ka dhaca qaar kamid ah Wadamada Yurub ee lala beegsanayo dadka asalkoodu yahuuda ah, ayaa sheegay in weeraradan ay u muuqdaan kuwa sii soconaya.

” Haddii aan nahay xukuumadda Israel waxaan kula talineynaa dadka yahuuda ah in ay soo guryo noqdaan, Israel waxay dal u tahay Yuhuudi kasta oo caalamka ku nool” ayuu yiri Benjamin Netanyahu.

Ra’izul Wasaaraha Israel , ayaa xusay in Xukuumadiisa ay qorsheesay 40 Milyan oo lacagta Euro ah oo loogu tala galay Yuhuudda dib uga soo noqoneysa dalalka Faransiis, Biljimka iyo Yukreyn.

Dalal kuyaala Qaarada Yurub waxaa ka dhacay Weeraro lala beegsanayay dadka yahuuda ah, waxaana Weeraradaasi ku dhintay dad yahuud ah , waxaana jirta cabsi la xariirta in marar kale la beegsado xarumo iyo macbadyo ay leeyihiin dadka yahuuda ee kuyaala Yurub.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook