Abaabul dagaal iyo Shirqool Sh/Hoose Saaka ka socoda

Tan iyo markii uu bilawday dagaalka Shariif Xasan uu ku wado Maamulka Jubbaland waxaa kor u soo kacayey,abaabulka uu ku doonayo in uu fashiliyo Maamulka Jubbaland,wuxuuna Shariif Xasan isticmaalayey Xeelado kala duwan,isagoo ujeedad ugu way nee uu lahaa ay ahayd in Maamulka Axmed Madoobe iyo Baarlamaanka Jubbaland ay saaxada baneeyaan.

Mooshinkii Baarlamaanka Federalka kadib,Waxa hadal Beesha Caalamka oo qoraalka ay soo saareen uu noqoday mid aan qancin Shariif Xasan iyo kuwa doonaya,kala taga Jubbaland,waxaana soo baxay warar hoose oo sheegaya in uu Shriif Xasan ku kacay Abaabul dagaalka,kaas oo dhan ah Maamulka Jubbaland,isagoo gobolka/Sh Hoose u isticmaalaya goobo lagu ururiyo Ciidamo,kuwaas oo duulaan ku aha deegaanada Jubbooyinka.

Xogta aan Saaka ka helay Magaalada Baraawe ayaa sheegaysa in Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan ay wadahadleen,Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,wuxuuna Shariif Xasan Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku wargaliyey in ay fududeeyaan Maleeshiyaad ka talaabi doono deegaanka Baraawe iyo Kuntuwaarey kuwaas oo ka imana doono Jawhooyin badan.

Warar Xog ogaal ah oo aan ka helay Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in,Shariif Xasan ay wada socodaan Raga Siyaasada Jubbaland horey ooga quustay oo uu kamid yahay Col Barre Hiiraale,iyo Kooxdii Garbahaaray uu Shiku kaga Fashilmay,oo doonaya in ay dib isu abaabulaan.

Maalintii shalay ayey ahayd Markii Col :Barre Hiiraale oo ay u muuqatay in uu helay Fursada uu kula dagaalamo,Maamulka Jubbaland,uu shir la qaatay Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo iyagu aan wali banaanka isaga soo dhigin.

Magaalada Kismaayo ayaa iyana Saaka waxaa ka socoda Shir uu Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland la leeyahay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland,waxaana Muuqata in uu Axmed Madoobe ka war helay Gulufka Colaadeed ee Shariif Xasan uu Abaabulayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook