Af-hayeenka Siilaanyo Oo Ka Hadlay Sababta Madaxweyne Looga Hor Taagan Yahay Su,aalaha Warbaahinta Madaxa Banaan +Video

Afhayeenka madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul Ayaa Ka Hadlay mawqifka madaxweynaha somaliland ka taagan yahay khilaafka ka taagan doorashooyinka somaliland.

Afhayeenka madaxtooyada oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu ku soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababta madaxweynaha somaliland looga hor taagan yahay in la waydiiyo su,aalo.

Afhayeenka madaxtooyada oo ugu horayn ka hadlaya mawqifka xukuumada ee mudo kordhinta guurtida ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Markii xisbiyada mucaaridka ahi ka biyo diideen mudo kordhintuu guurtida, xukuumadu iyada oo u nasteexaynaysa wada jirka dalka, inaanay dalka dhibaato ka dhicin iyo inaanu khasaarin tacabka faraha badan ee aynu soo galnay iyo waxyaalo fara badan oo dalkan ku gadaaman una baahan in lagaga gudbo wada jirka mucaaridka iyo muxaafidka waxay mar walba u taagan tahay maslaxadu halkay ku jirto iyada oo hormood u ah, ka dibna xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ahi is arkaan, walibana iyada oo muhiimad la siiyey xisbiyada mucaaridka ah ayey noqotay inay xalkii Decenber ay yidhaahdaan xukuumada waa inaanay waxba ka qabin.” Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada somaliland

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay wax fara galin ah ku hayn golaha guurtida waxaanu yidhi “Anagu golaha guurtida cadaadis iyo wax u diidis midna kuma lihin, laakiin mawqifka xukuumadu waa kaas ay ku raaceen xisbiyada mucaaridka ah.”

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay sababta madaxweyne Siilaanyo ilaa hada looga hor taagan yahay in wax su,aalo ah ay weydiiyaan weriyayaashu waxaanu yidhi “Qofka Weriyaha ahi waxa uu ugu jecel yahay inuu qofka madaxda ah wax waydiiyo, laakiin imika mays waydiiseen barigaas saxaafadu intaas way ka yarayd Manay jirin warbaahinta Online-ka ah ee maanta halka ugu saraysa maraysaa, saxaafadu in kooban ayey ahayd xataa inta wax weydiin jirtay way koobnayd, maantana bal u fiirsada waxa uu mashaakil naga qabsadaa isku daysta su,aalaha, Madaxweynaha Su,aasha la waydiinayaa waa inay wax soo kordhisaa, waa inay noqotaa mid ka turjumaysa dareen dhab ah waxaana iska jira su,aalo caadifadi ku jiraan.” Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada somaliland

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan la samayn doono meel madaxweynaha su,aalaha lagu waydiiyo waxaanu yidhi “Sidii uu wasiirka warfaafintu sheegay waxaanu samaynaynaa saaxad aad madaxweynaha ku waydiisaan Su,aalaha waxaana laydiinka baahan yahay inaad si masuuliyad ah isku soo xushaan.”

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook