Ahlu Sunna oo Caruurtii Dugsiyada Qur’aanka iyo Haweenka Banaanbax isugu keenay +Cod

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Magaalo madaxda Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibad bax ay ka qeyb galeen Caruurtii Dugsiyada Qur’aanka iyo Haween aad u badan oo ku nool halkaasi waxaana goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan Ahlu sunna.

Waxaa uuna ahaa dibad baxa mid lagu taageerayey joogista Ahlu Sunna ee Dhuusa-Mareeb geesta kalena looga soo horjeeday beesha caalamka iyo Dowlada Federalka Soomaaliya hadalkaa oo ahaa in ahlu sunna ay isaga baxdo Magaaladaasi oo ay maalmo ka hor dagaal ku qabsadeen.

Dadkii dhigayey dibad baxaasi oo goob fagaaro ah la isugu geeyey waxaa qudbado u jeedyey mas’uuliyiintii ahlu Sunna ee hor boodayey waxa ayna tilmaameen in ay aad uga xun yihiin hadalada ka soo yeeray Dowlada Soomaaliya yo beessha caalamka ee ku wajahan Ahlu sunna in ay isaga baxdo Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook