Ahlusuna Wal-jameeca oo ku gacan seyray hadalkii ka soo yeeray Nicholas Kay

Ururka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ku gacan seyray hadalkii ka soo yeeray Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ee ahaa inay ka baxaan Dhuusa Mareeb, kadib markii ay Axadii la soo dhaafay la wareegeen.

Madaxa siyaasada Ururka Ahlusuna C/salaan Aadan Xuseen oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Ahlusuna ay ku laabteen, guryahooda, xaafadahooda iyo deegaanadii ay ka talinayeen muddo todobo sano ka badan.

“Heshiiskii Bishii Maarso waa dhamaad, si cad ah ayaa ugu cadeynay Beesha Caalamka in heshiiskaas ay bur burisay dowladda, waxay aheyd in 10 maalmood la isaga yimaado, xal waarana la gaaro, balse dowladda ayaa heshiiskaas ka baxday”ayuu yiri C/salaan Aadan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in amarka Nicholas Kay aysan uga baxeyn Dhuusa Mareeb, isla markaana aanay amarkiisa ku gelin,

“Amarka Nicholas Kay ugama baxayaan ciidamadeena Dhuusa Mareeb, amarkiisana kuma gelin, anaga waxaa dooneynaa in dadka shacabka inaan ka dulqaadno cadawga, burcad badeeda iyo kuwa mooryaanta ah”ayuu yiri madaxa siyaasada Ahlusuna C/salaan Aadan Xuseen,

Dhinaca kale Banaan bax looga soo horjeeda hadalkii Nicholas Kay iyo dowladda Federaalka ayaa maanta ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb, waxaana banaan baxa ka qeyb galay dadweyne iyo saraakiisha Ahlusuna oo dadweynaha kula hadlay goob fagaare ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa loogu baaqay Ahlusuna inay ka baxaan Dhuusa Mareeb, dibna ugu laabtaan deegaanki ay ka soo duuleen, waxaana labada dhinac loogu baaqay inay xushmeeyaan heshiiska.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook