Al-shabaab oo qorsheyneysa ineey Bisha Ramadaan weeraro ka geysto Kenya

Dowlada Kenya ayaa Sabtidii shalay soo saartay digniin dhinaca amaanka ah oo ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheyneyso ineey weeraro ka geysato Gudaha Kenya inta lagu gudo jiro Bisha barakaysan ee Ramadaanka.
Madaxa Dambi Baarista Kenya ee (IG) Jen. Joseph Boinnet, ayaa sheegay ineey heleen digniino ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheyneyso marka la gaaro Bisha barakaysan ee Ramadaanka ineey weeraro ka fuliso xaruumaha Doowlada, sidoo kale waxa uu sheegay in la beegsan doono qaar kamid ah wariyaasha Kenya, kuwaasoo inta badan baahiya warar lidi ku ah Al-shabaab.

Sidoo kale Goobaha ay Al-shabaab qorsheeysay ineey weerarto waxaa kamid, Kaniisado, Iskuulo, jaamacado iyo Suuqyada dadku ku badanyahay.
Joseph Boinnet, ayaa ciidamada amaanka Kenya ugu baaqay, ineey qaadaan howlgalo amaanka lagu xoojinaayo si looga hortago weeraradaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook