AS Monaco Oo Suuq U Noqotey Kooxaha Ingiriiska

Macalinka kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Monaco uu ka arkoodey daafac ka ciyaara dadabka midig kaa oo lagu magacaabo Fabinho.
Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in lala xiriirinayey xiddigo dhowr ah oo booskaasi ka ciyaara kuwaa oo kuwaa oo kala ahaa Dani Alves,Nathaniel Clyne iyo Gregory van der Wiel.
Haddaba markii ay ku qasaartey soo qaadashadda xiddigahaasi ayaa kooxda Manchester United lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqdey saxiixa xiddigan Fabinho.
Kooxda Manchester United ayaa waxaa ay sheegtey in xiddigan ay ku soo iibsan doonto aduun lacaged gaaraya ilaa iyo 10 Milyan oo ginni.
Fabinho ayaa kooxda Monaco ku soo biirey sanadku markii uu ahaa 2013kii.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook