Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aan ka gaaray Jubbaland

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ugu dambeyn cod u qaaday mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyagoo sharci darro ka dhigay dhismaha Baarlamaanka Jubba oo horay cabasho badan uga timid.

Kulanka Baarlamaanka oo ku furmay jawi degan ayaa markii la guda galay ajandaha, isla markaana Guddoonka amray in la tiriyo tirada Xildhibaanada fadhida, si cod loogu qaado mooshinka ayaa buuq ka dhashay, waxaana markii hore tirada soo xaadirtay ay ahaayeen 150.

Hase ahaatee waxaa markii dambe xarunta golaha shacabka ka baxay Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka, waxaana ay taas dhalisay buuq.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka oo shir guddoominayay kulanka ayaa howl wadeenada ku amray inay saf saf u tiriyaan, waxaana markii dambe la shaaciyay inay joogaan 142 Xildhibaan, kuwaasoo markii dambe cod gacan taag ah u qaaday mooshinka.

132 Xildhibaan ayaa u codeysay mooshinka inay taageersan yihiin, halka afar Xildhibaan ay diiday, lix Xildhibaan ka aamustay, sidaas uu Guddoonka ku shacaiyay in mooshinka uu ansax yahay.

Fadhiga ayaa wixii markaas ka dambeeyay sawaxan iyo sacab isu bedelay, iyadoo Xildhibaanada taageersanaa mooshinkana ay isu hambalyeynayeen, markii uu Guddoonka ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Jawaabta ka imaan doonta Maamulka Jubbaland iyo sida uu go’aan u qaadan doono ayaa ah mid la sugayo, Maadaama Baarlamaanka Federaalka uu sharci darro ka dhigay dhismaha Baarlamaanka Jubba iyo qaabkii loo soo xulay oo ay horay uga timid cabasho xoogan

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook