Banaanbax ka dhan ah ciidamada AMISOM oo laga abaabulayo Muqdisho+ Cod

Xirirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa sheegay inay dhigayaan dibadbax ka dhan ah Ciidamada AMISOM, kaas oo ay ujeedadiisu tahay inay ka baxaan Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.
C/qani Saciid Carab Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya oo u waramaayay BBC-da ayaa sheegay in AMISOM ay dhawr jeer kala hadleen inay ka baxaan Garoonka Stadium Muqdisho oo ay dagan yihiin Ciidamada Midowga Afrika.
Gudoomiye C/qani ayaa intaa sheegay in AMISOM ay diiday ka bixida Garoonka K/cagta ee Stadium Muqdisho oo ay Mudo ay dagan yihiin AMISOM.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo kaashanaya Bahda Isboortiga Gobolka Banaadir uu Diyaarinayo Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Dagaanaashaha AMISOM Garoonka Muqdisho Stadium .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook